AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA- Q.2aad

QAYBTII 2aad
NABARKII DARAAWIISHI U GO’DAY 


Dagaalkii kowaad 1914-1918 markii uu dhamaaday xulafadii la odhanjirey “Axis Powers” oo Jarmalku hormuudka u ahaana laga adkaaday baa dawladii Ingriiska oo ku faani jirtey in aan calankeeda qorraxdu ka dhicin waxay goosatay in Daraawiish wixii ay awood cir, mid dhul iyo mid badeed lahayd aysan u kala reebin. Dagaalkaasi la rabey in lagu kala bixiyo daraawiish iyo dhaxalkeedii, wuxu u qaybsanaa saddex qaybood oo waayeyn:

  • (A) Daraawiish in la cidhibtiro oo aan firxad ifka korkiisa lagaga reebin, halgankii dhidibada loo aasay 1896 oo ilaa waqtigaa socdeyna sidaa lagu damiyo.
  • (B) In raadka daraawiish si loo ilaawo wixii ay dhismo kaga tageen gobolada kala duwan ee Soomaaliya dhulkana lala simo oo gelgelin laga dhigo.
  • (C) In jiritaankooda iyo hadal hayntooda laga tiro dhaqanka Soomaalida, oo Suugaan iyo Taariikh midna aan looga aayin.
(A) Qaybta 1aad

Gumaysigii Ingiriis isagoo ka faa'iidaysana dagaalkii kowaad (1914-1918) oo ay guul ka soo hooyeen iyo ciidamadooda oo markaa guushaasi niyadooda aad u kicisay isla markaana  wixii ay xoog ciidan lahaayeen markaa u gacan banaan oo aan meelna dagaal kaga socon, wuxu u fadhiistay in uu dejiyo khidadii lagu cidhibtiri lahaa daraawiish..

Si arrintaasi u hirgasho aanna loogu khasaarin sidii ku dhacday dhammaan jenanadii ingriiska iyo dhammaan madaxdii iyo saraakiishii kale ee boqortooyadaas oo jab weyni ka soo gadhay dagaalkii socday 20 kii sano ee u dambeyey marka laga reebo goobtii Jidbaale oo dhacday (1904). Waxa la soo xulay Sareeye Gaas Sir. A.R.Hoskin oo isagu madax ka ahaanjirey “Kings African Rifles”, ka dibna soo hogaamiyey ciidankii balaadhnaa oo lagu damiyey kacdoonkii Mesopotamia (Ciraaq). Waxa kale oo khidada dagaalka dejinteeda ka qayb qaatay “Air Marshal Sir Hugh Trenchard, Lord Molner iyo Sir Archer (Caarshe Dheere) oo isagu markaa maamul ku sheegii gumaysiga oo Soomaaliya ka jirey madax ka ahaa. Waxa isla markaa qorshaha korka ka jirey una heelanaa Siyaasiintii ugu sareeyey dawladii gumaysiga Ingriiska oo ay hormuud ka yihiin raiisulwasaarihii iyo wasiirkii dagaalka.

Si arinkaas loo fuliyo, daraawiish oo gumaysiga iyo Soomaalidii uu dabada ku watey qodax cunaha kaga mudan ku noqotayna loo masoxo, waxa wadanka Soomaalida dhankiisa waqooyi la keenay:

  • - 6 markab oo dagaal oo ah xulkii maraakiibta dagaalka oo markaa dawladii gumaysigu ay ku dhaadan jirtey.
  • - 12 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka oo ka soo qayb qaatay dagaalkii kowaad oo u dhignaa markaasi B52 maraykanka ee maanta, isla markaana laga dayac tirey wixii dhibaato farsamo soo gaadhay afartii sano ee uu socdey dagaalkii kowaad. Diyaaradahaasi waxa khibrad iyo geesinimo loogu xulay taliyaha, kaaliyayaasha iyo askarta.
  • - Waxaa la soo diyaariyey 3 batalyan oo ah ciidankii la odhanjirey “Kings African Rifles” oo qiyaastii 2400 nin ka koobnaa.
  • - 2 batalyan oo hindi ah, gaar ahaan Siig oo ka kooban 1600 nin .
  • - 1 batalyan oo fardooley ah oo iyana hindi ah kana koobnaa qiyaastii 800 oo nin.
  • - 2000 oo askari oo isugu jirey “levy” iyo ilaalo.
  • - 1000 nin oo rakuubley ah “Camel Corps”.
  • - Ciidan dhawr boqol ah oo ah kuwa miinada.
- Iyo ciidan aad u badan oo la hubeeyey oo ka kooban qabaa-ilkii Soomaaliyeed oo ingriiska ku hoos nolaa oo loogu tala galay inay gacanta ku dhigaan wixii firidh ah, inay is raaciyaan kii dhaawaca, kufsadka dumarka iyo dhaca xoolaha aan u aabo yeelin.

- Waxa iyana la shaqaaleeyey dhawr boqol oo soomaali ah looguna tala galay inay noqdaan basaasiin. Waxaa loo diyaariyey “khariidad badwi” lagu muujiyey magacyada meelaha xidhiidhka isgaadhsiinta gaaladu ku suganyahay farweyn loogu qoray si ay markay war helaanba si deg deg ah u gaadhsiiyaan meesha ugu dhow.

- Dhinaca bari iyo waqooyi bari waxa iyana laga diyaariyey ciidamadii saddexdii boqor ee deegaamadaas markaa ka talin jirey, si aanay soo dhawayna uga helin loona badbaadin Daraawiishta dinacaas u baxsata ama u guurta.

- Dhinaca koonfurta waxa ka diyaar garoobey cidamadii talyaaniga. Talyaanigu wuxu isla markaa ogolaaday in ciidamada Ingriiska iyo cawaankiisu ay soo galaan xuduudkii talyaanigu xukumayey si wixii ka gala ay uga daba galaan. Wali waxaan ku jiraa baaxadda iyo awooda ay lahaayeen ciidamadii lagu weeraray Daraawiishe waxaa dhinac kale laga diyaariyey.

- 5000 oo askartii Xabashida ah waxaana laga diyaariyey dhinaca galbeedka. Taas oo loogu talagalay in ninkii maanta ka nabad gala xabbad cir iyo dhulkaba ka  imanaya in aysan gaadhin ama ku nabad gelin dhulka Soomaalida ee xabashidu hadeer gumaysato.

Qalabka loo diyaariyey in dagaalka lagu fuliyo oo aan daraawiishtu haysan waxa ka mid ahaa:

  • - qalabka is gaadhsiinta
  • - gawaadhida gaashaaman ee dagaalka
  • - madaafiicda goobta
  • - cusbitaal loogu tala galay dhaawaca oo in ka badan 30 qof oo dhakhaatiir iyo kaliye caafimaad isugu jira loo diyaariyey.
  • - Gawaadhi xamuul ah oo farabdan oo raashin, biyo, daawo iyo shidaal loo diyaariyey
  • - 5000 kun oo rati oo laga soo kireyey Soomaalidii ay ingriiska isku ciidanka ahaayeen oo iyana xamuulka ka qayb qaadatay.
Cidhibtirkaasi loogu tala galay daraawiish in lagu cidhib tiro ina Cabdulle Xasana gacanta lagu qabto, wuxuu si toos ah u bilowday 21kii bishii kowaad 1920 kii. Wuxuu si aan kala go’lahayn u socdey muddo bil ku dhow. Daraawiishi si geesinimo leh bay u dagaalantay waxaana hal hays u noqday guul ama geeri. Dawladii Ingriisku waxay si weyn isugu hawshay ragii daraawiish hogaaminayey ina Cabdulle Xasana u horeeyo in cageheeda la keeno. Daraawiish madaxdeedii waxa istustay in goob dagaal guul iyo guuldarro midkasta lagala kulmi karo, laakiin ciidan madaxdiisii cadow gacanta ku dhigay guuldarro ka weyni aysan jirin. Waxay markaa xoogga saareen in dhanka dagaalkana ay qalcadiba qalcad ka war hayso oo haddii mid la gumaado wixi ka nooli aysan firdhin ee qalcadda ku xigta isugu qalab gurtaan. Dhanka kalena madaxdii daraawiishta oo ina Cabdulle Xasana u horeeyo aanay marnaba gacanta u gelin gaalo iyo cawaankeed.

Sirdoonka daraawiishtu wuxuu ka warqabey in wadadii banaanba ugu yaraan 20 dabin loo dhigay si ina Cabdulle Xasan iyo khusuusidii daraawiista aanay meel ay ka dusaan u helin. Markii ay daraawiish u cadaatay in dagaalkani uusan lahayn saansaan guul oo xagga Daraawiishta raacda, sidii ay boqolaal goobood oo hore uga barteen, waxay tab iyo xeelba isugu geeyeen in wixii la badbaadin karo la badbaadiyo oo meelaha hubka waaweyni ku hoorayo laga fogeeyo. Tan labaadna wixii xeel gaalo iyo cawaankeed degeen si ay gacanta ugu dhigaan hogaankii daraawiishta in ay buriyaan oo aan marna gacanta lagu dhigin.

Dagaalkaa bisha socdey laba waji buu lahaa: (a) in daraawiish garabka dhulka loo dhigo oo dabkeeda la bakhtiiyo (b) in hogaankeeda la qabto maxkamad lagu dili doonana la soo taago.

Run ahaantii gaalo iyo cawaankeed wajiga hore way ku guulaysteen, waxaana daraawiish looga guulaystey: (1) Waxa la dulkeenay ciidan, ciidankii Maaraweyn oo daraawiishi ku dhaadanjirtey ku shanlaabma oo hub iyo isgaadhsiin iyo taakulaynba kaga horeeyey. (2) Si gaadmo iyo kedis ah baa cirka looga weeraray. Inkastoo ay si geesinimo leh oo cadowgoodii qiray u dagaalameen diyaaradiina qaar soo rideen, hadana malakumood cirka ka imanaya oo wax lagu joojiyo aan loo hayn wuxuu noqday looma adkaystaan. (3) Iyagoo ujeedooyin siyaasadeed ka lahaa laakiin aan cawaaqibka ka imaan doono dhab u sahamin, bay waxay xoogoodii ka qaadeen Nugaal oo ahayd meel aad uga fog dhulka lagaga soo duulayo oo marnaba aan gaadmo loogu yimaadeen. (4) Waxay degeen meelo waqooyiga Soomaaliya ku yaal oo badda cas u dhow sida Jiidali iyo Midhashi. Waxayna diyaaradihii cadowga u noqdeen ugaxan xidinxiito oo banaan taal.

Hadaynu nidhi qaybta hore waxay ku ekayd daraawiish in laga guulaysto iyo in madaxdooda oo Sayid Maxamed u horeeyo cagaha ingriiska la keeno. Waxa hubaal ah, daraawiish haddii qaybtii milateriga lagaga xoog roonaaday, qaybtii labaad oo dagaalka asaaska u ahaa daraawiish baa ku xoog roonaatay, hogaankii daraawiishtuna in uu gacan cadow galo xaraan bay noqotay. Waxayna ina Cabdulle Xasana iyo ragii wadey dab ku sii shiteenJiidali, Taleex, Garoowe, Dharkayn-geenyo iyo melo kale oo badan.
Darwiish Cali-Faarax Nuur oo raggii dhacdooyinkan wax ka maamulay ka mid ahaa waxaan ka hayaa, ina Cabduulle Xasan markii Taleex laga amba bixinayey waxaa isaga si gaara loogu raray oo caano, biyo, raashin iyo qalabkiisii khaaska ahaa loo saaray rati la xulay oo Guduud-dheere la odhan jirey. Aragtidayda ilama khaldana haddaan maanta ratigaa ugu yeedho darwiish Guduud-dheere. Dharkayn geenyana waa meesha sida taariikhda inagu soo gaadhey ay iyaga oo badankoodu naf ka dhawr yahay ku nasteen. Waxay goobtaas baahi darteed ku qasheen geenyo. Geenyadaas gawraca waa loo quudhi waayey, laakiin gabayga eryadani ku jiraan bay u go’day:
  • Waxba gaalibkeediyo xarrago yaanan soo gocanne
  • Iga gawrac geenyada ragbaa mawdku gurayaaye
Labadaa waji markii mid daraawiishi ku guulaysatey, xoog iyo xeeladna isugu geysey sidii hogaankeeda iyo maamulkeeda ay uga saari lahaydSanaag iyo Nugaal, gacan cadow in ay galaana ka ilaalisay. Waxa daraawiish talo kagaga ururtay in ay ciidankooda meel isugu geeyaan oo aagga Webishabeelle oo ciidan xooggan oo daraawiish ahi markaa fadhiyey isugu luga duwadaan.
Geedigii waqooyiga Soomaaliya laga raray waxaa lagu furay, Qorra, Shiniile iyo Horushagax. Talo waa tan ilaahe iyagu tooda, waxay ku talo galeen in ay halgankii halkaas ka soo bilaabaan, gaalo iyo nin la jiraana aanay marna hurdo macaan seexan. Waxaa  yaraantaydii waayeelku aad uga sheekaysanj ireen oo la aaminsanaa in gaalo iyo cawaankeed markay taa ka war heleen, ay istuseen in daraawiish oo dib u soo noolaata aan loo adkaysan karayn, lana go’aamiyey in dagaalka lagu daro qaybo cusub: in ceelasha ay ka cabbaan la sumeeyo, in “Virus”ka furuqa iyo “bacteria”da daacuunkana iyo nafley la jin ah oo cudurro badan oo lagu hoobto dhalisa lagu fidiyo dhulka ay deggan yihiin. Muddo yar kadibna waxa la soo sheegay in daraawiishi tahay mid sumoobay oo dhintay iyo mid sakaraad ah oo geerida sugaya. Markii la hubsaday in nin qori soo rogan kara oo caafimaad qabaa ku yar yahay, baa ciidan cawaan ah oo inta naftu ku jirto soo gawraca, geel iyo fardo wixii ay hayeenna soo moora duuga lagu saaray. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, oo markaana qabashadiisa gumaysi ku hungoobeyna waqti gaaban ka dib baa tii alle u timi oo uu geeryoodey.

Saancadaale iyo cawaankiis markay ku guulaysteen in ay daraawiish ka bara kiciyaan dhulkii ay dhawr iyo labaatanka sano ka dagaalamaysey, kacdoonkeedii laabadna cidhib tireen. Waxaa markaa muuqatay in lagu talaabsado tirtirka qaybihiisii kale.

Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain.
Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota
Faafin: taariikhdiidaraawiishtisoomaaliyeed.blogspot.com
Xigasho- SomaliTalk.com