Imaam Axmed Guray (kumuu ahaa Axmed Gurey ) ?

Imaam Axmed Guray Magaciisa oo saxani waa Axmad ibn Ibrahim Al-Ghazi  Waxa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkii 1507 - February 21, 1543. Waxa uu ahaa Imaam Axmed Gurey Ragii ducaada ahaa ee aadka ugasoo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada itoobiya ,waxa aay muslimiinta ugaysanayeen awgeed,taasoo keentay in musliimiinta laga qaadijiray markaas lacag baad ah (Jizya) .

Dagaalo badan kadib waxaa dhacday in Imaam Axmed guray lawareegay Harar, dabadeedna wuxuu bilaabay weeraro jihaad ah oo isdaba jooga.Waxa uu galay dagaalo ba,an mudona socday ,mahadhana reebtay ,ilaa hadana laxasuusto lana ilaawi karinin..

                                            kumuu ahaa Axmed Gurey?



Imaam Axmed Guray Magaciisa oo saxani waa Axmad ibn Ibrahim Al-Ghazi. waxa uu udhadhay absame ugaadeen daarood Waxa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkii 1507 - February 21, 1543. Waxa uu ahaa Imaam Axmed Gurey Ragii ducaada ahaa ee aadka ugasoo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada itoobiya ,waxa aay muslimiinta ugaysanayeen awgeed,taasoo keentay in musliimiinta laga qaadijiray markaas lacag baad ah (Jizya) . Dagaalo badan kadib waxaa dhacday in Imaam Axmed guray lawareegay Harar, dabadeedna wuxuu bilaabay weeraro jihaad ah oo isdaba jooga.Waxa uu galay dagaalo ba,an mudona socday ,mahadhana reebtay ,ilaa hadana laxasuusto lana ilaawi karinin.. kumuu ahaa Axmed Gurey? Axmed Gurey wuxuu ahaa nin Islaama waxa uu ahaa nin u dagaalamayay Diintiisa asalna kasoo jeeda mid ka mid ah qabaa ilada soomaaliyeed ee dega dhulka hada Itoobiya gumeysato, dhinaca kale waxa uu ahaa nin daaci ah oo dadka Diinta suuban gaadhsiinayay Imaam Axmed Gurey waxaa la sheegay in uu ku dhashay dhulka u dhexeeya Saylac iyo Harar. Waxaana askari Boortaqiis ahi ku dilay Suudaan sanadkii 1543kii. Dagaalka Boqortooyada qabiilada dhulkaas deggan kula jirtay, waxa uu markastaba ahaa mid xukun iyo saldana raadis salka ku haya, si hadaba damacaasi ugu suurto galo waxa ay Boqortooyadu mar walba isticmaali jirtey diinta Kiristaanka oo ay calool jileec iyo taageero kagaga raadinaysay waddamada reer galbeedka ee Kiristaanka ah. Boqor kasta oo Xabashida maamulana waxa hal hays u ahaa “Itoobiya waa Jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex-taalla Bedweyn Islaam ah.” Taas oo ay ula jeedeen in Kiristaanka dhulka deggan laga badan yahay oo ay ku dhex nool yihiin badweyn islaam ah. Sababta Axmed Gurey ku dhalisay inuu xabashida la dagaalamaana waxay ahayd isagoo u arkayaay in ay wadaan fidno ay markaasi ay ku doonayaan inay dadka islaamka ah diinta kaga saarayaan , taasi xabashida waxay mar walba u aheyd fursad ay wadamadii xooga badnaa ee Kiristanka ahaa waqtigaa dunida ilaa iyo hadana ay wax badan iska bedelin xaaladaas iyada ah, uga gurtaan hub iyo saanad ay kula dagaalamaan muslimminta ayagoo mar walba ku beer laxawsanaya ineey difaac iyo fidin ugu jiraan diinta Kiristanka. Markii la soo gaadhey sannadkii 1800 waxa Boqortooyada Xabashida maamulayey Menelik II (Menelik-kii 2aad), waxa uu hub iyo dhaqaale fara badan ka helay wadamadii reer galbeedka, wuxuuna sameeyey dhul-balaarsigii ugu weynaa ee dhulalka Muslimiintu deggan tahay, gaar ahaan Soomaalida ku qabsado. Mudadii 1880s waxa ay ahayd markii Xabashidu hubkii ugu badnaa ay hesho oo ay dhul balaadhsigii ugu weynaa ku dhaqaaqdo. Dhaqaalaha dhulka Soomaalidu degto ayaa aad u xumaaday (Shabeelaha Sare ilaa laga gaadhayo xeebaha Banaadir), taas oo ay sabab u ahayd hubka badan ee Xabashidu heshay iyo duulaamadii ay ku qaadday dhulalkii Soomaalida; ka dibna xoolihii iyo waxa ay hanti haysteen ka dhacdo, ceelashii ay ka cabi jireenna ka qabsato. iimaam ahmed guray waxa uu taariikh aad u balaadhan ku leeyahay geeska afrika runtii waxa uu ahaa axmed guray geesi wayn oo soomaaliyeed oo mudan in marwalba laxuso imaam axmed guray waxa uu umada Soomaaliyeed ama qawmiyada soomalida ka mutaystay ixtiraam iyo waynaan . 


W/Q  Abdulkadir Yusuf Ali  waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahayn (Freedomfighter)     Follow On Twitter or Facebook