Maalintii madoobayd - Qormo Taariikheed.

Maalintii madoobayd; Sagaal iyo tobankii bishii diseember sanadkii 1919-kii waxaa Qaaradda Afrika waddanka Soomaaliya magaalada taariikhiga ee Taleex laga gaystay duqayn aan loo meel dayin iyo xasuuq gumaysi, kaasi oo ay ka gaysteen ciidan-kii cirka (ROYAL AIR FORCE) ee booqortooyada xiligaa la odhan jiray boqortooyada aan qoraxdu ka dhicin ee Ingiriiska . waa maalin u suntan dhamaan ummada Soomaaliyeed in la xasuusnaado oo la xusana inaga mudan.
Inkastoo dad wixii la laayey, duunyo wixii ku lumay iyo daar burburay ama degel rogmaday qalinna lagusoo koobi karin, afna looga sheekayn karin, bal aan wax yar ka taabano.

Sooyaalka halgamaagii Soomaaliyeed ee Xaaji Aadan ( Afqallooc).


Xaaji Aadan Axmed oo lagu naaneysi jiray  “Afqallooc” wuu ku dhashay  miyiga Ceerigaabo qiyaasihii 1864kii. Waa mid ka mid ah geesiyaasha Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay sidii ay Ummadda Soomaaliyeed uga xoroobi lahayd gumesteyaashii geyigooda ku soo duulay. HALKAN KA DAAWO MUUQAAL

Qormada Kowaad《Kobcintii Boqorka Suugaanta Xiligii Daraawiishta 》

"Suugaantu waa dhaxalfac,
"Salka ku haysa hidoraac,
"Sooyaaliyo leh tixraac,
"Soo jiray dhawr farac...

Waa runoo waa Siday tahaye Halabuur Maanmaal ku qeexaye.
Darwiish Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Dhanka Siyaasada iyo mabd'ii uu watay kasokoow, wuxuu ahaa abwaan Murtimaala oo eebe ku galadaystay tirinta suugaan dhagtii maqasha umuhan doonto naftuna u maqsuudayso cajabta milgo murtiyeedka iyo xikmadaha isku qoofalan ee inooga tagay.

"Ilaahay markuu il daboolo mid kale buu furaa" Taariikh nololeed Kooban (AHUN) Awjamac Cumar Ciise

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyoodey  Jabuuti Qoraa, Taariikh-yahan iyo Suugaan ururiye aw-Jaamac Cumar Ciise. aw-Jaamac ayaa ka mid ahaa dadka tirada yar ee isku hawla in ay badbaadiyaan afka Soomaaliga waxaana uu kamid ah taariikhyahanada ugu magaca wayn Soomaaliya.

“Maalin Murugo 19.12.1919 Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed” - W/Q. Abdulkadir Yusuf Ali

Sagaal iyo tobankii Bishii December sanadkii 1919kii waxaa magaalada Taleex laga gaystay duqayn aan loo meel dayin  iyo xasuuq gumaysi, kaasi oo ay ka gaysteen Ciidamadii booqortooyada Ingiriiska (ROYAL AIR FORCE). waa maalin u suntan dhamaan ummada Soomaaliyeed in la xasuusnaado oo la xusana inaga mudan.

Taariikh Kooban Abwaan Axmed Faarax Cali 'Idaajaa'

Axmed Faarax Cali oo 'Idaajaa' ku magac dheer waa suugaanyahan Soomaaliyeed oo aad ugu xeel dheer dhaqanka iyo taariikhda suugaanta Soomaalida. Idaajaa wuxuu ka faaloodaa suugaanta iyo caadooyinkii hore ee sooyaalka ahaa.

Horta baro Dalkaaga (Asalka Erayga Soomaali)

Taarikhda dadyowga dhirin-dhiriya waxay yidhaahdeen ereyga Soomaali wuxuu ka yimid laba eray oo isu tagay oo ah ( Soo-Maal ) kaas oo ka kooban labada eray ee kala ah (Soo) oo ah Soco, iyo (Maal) oo ah Lis, taas oo markaas noqonaysa