Goob wayntii Jidbaale oo dad badan ay naga codsadeen ayaan halkaan idinku soo gudbinayna ka bogosho wanaagsan say goobtaasi u dhacday.


Jidbaale waa goobtii shanaad ee goobaha waawayn ka mid ahayd waxay ka dhacday dhoodiga Nugaaleed bartamaheeda, ceel Laascaanood waqooyi ka xiga oo hilaadda u jirra 30 mayl.




Bishii Janaayo 1903 ayaa Ingiriisku colkiisii Daraawiish ku soo saaray,
ilaalada iyo weranweryaduna intaas waa is dhaafeysey.
Daraawiishi meel bohol jeexan ah oo caday dhexdeeda ah ayay dhufays u gashay, waxay talo ku goosteen inaayan Ingiiriis oo deggan marnaba dagaal lagelin ee waa in la sugaa, isagoo raran oo ciidammaduna soconayaana, taas waxay uga jeedeen Ingiriisku wuxuu watay hub culus oo aanay iyagu haysan hubkaas oo hadii la soconaayana inta la furfuro awrta la lagu raro, markii la deganyahayna la rakibo oo dagaal loo diyaarsado Daraawiishina taasay ka gaashaamanayeen.

Aynu sheekadii dib ugu noqonee Darawiish oo bohosheedii deggan ayaa ciidankii cadowgu soo dul fadhiistay dhawr casho haddaan laysu bixin ayaa nin Soomaali ah oo la oran jirey Cawke Jabane oo ingiriiska la socday wuxuu yidhi, Saar annagaa Daraawiish naqaan oo bohoshay ku jiraan, waxaan ku talinaya in gidhligaanka loo callaqo madaafiicdana la rakibo rag xabbadeeyaana loo diro dabadeedna fadhiyi maayaane markay bohosha kasoo baxaan mishinggaan hala mariyo.


Taladaasi way meel martay, waxaana la diray laba cuntub oo ciidankii gaalka ah, waxaa la faray inay colka Daraawiishta dhawr tacshiiradood ku ridaan dabadeedna soo baaqdaan,

markay sidaa yeeleen, Daraawiishi intay bohoshii ka soo baxeen ayaay weerar ku qaadeen iyagoo eryaya ragga intiisii badnaydna la haray ayay girliggaankii rakibnaa ulasoo galeen,

İngiriisku waa siduu rabaye rasaas buu oodda kaga qaaday aad buuna ugu naafeeyey haye yeeshee isna ma nabad galin, dagaal baana jilibka la isu dhigay,
Inkastoo rag aan yarayn Ingiriiska laga laayey haddana goobtaas İngiriisbaa ku adkaaday,
Daraawiish badankeediina halkaas bay ku hoobteen si xunna waa loo baqaa eryey taana waxaa ku taliyey Cawka Jabane Daraawiish waa tii ku wilgoonaysay,

''Allow Cawke Jabane joof gaallow Allow jabi adiyo jaalkaa!
Calool dibilaw ciqaab aragtaye cadaabna ma kuu damabeeyaa!''


Ragga Daraawiish maalintaas laga dilay tiradooda run ahaan lama hayo,
Ninna ma sheegi karo waxaase İngiriiska dadkii uu watay yidhi;. waxaa laga dilay 600 nin iyo 200 oo laga dhaawacay, İngiriiska iyo dadkii uu watay waxaa laga dilay hilaadaha 100 nin ku dhowaad Daraawiishta intaas waxaa u raacay dacaayad cay ah iyo gabayo ku digasho u badan oo rag Soomaali ahi mariyeen dacaayadaaas tirada badan waxaa wadey Ingiriiska oo xoolo badan ku bixiyey.

Sir, Archer oo dagaalkii jidbaale iyo siday wax ugu guuleysteen ka warramaya ayaa qoray.

''General Egerton by his far-flung dispositions and his game of bluff had
induced the enemy to fight, and he had defeated and routed them at Jidbali.
He had inflicted most damaging loses in men, rifles and livestock.
The Mullah has lost severely in prestige, and his fighting Dervishes were utterly demoralized. for once we had deceived him. He had imagined that his line of retreat in the south was cut off. İn a long and adventurous career this amazing man made only two fundamental and fatal mistakes. This was one the other was when, later he decided to put his trust on massively-constructed stone fronts, thereby providing a target and abandoned his priceless asset of immense mobility in vast, unproductive and uninhabited region where waterless conditions conspired to defy pursuit,.''

Hadalkaasi oo Af-Soomaali ku noqonayaa sidan,

''Sareeye Guuto Egerton wuxu ku khasbay Daraawiishta inay dagaal galaan
ka dibna wuxuu ku jabiyey Jidbaale wuxuu u geystay dhibkii ugu xumaa ee ka soo gaara xagga ciidanka, hubka, iyo xoolaha nool. wuxuu wadaadku wayeey haybaddii iyo sharaftii, ciidankiisana waxaa ku dhacay niyadjab. dhibaatooyinka ka dib, wuxuu u maleeey hadduu dib u gurasho u sameeyo xaggaa iyo koonfur waddadu way ka go'an tahay,
halgankaasi dheera intuu waday wuxuu galay labo khalad oo kala daran mid kan buu ahaa, midka kale wuxuu ahaa markuu goor dambe isku halleeyey qalcado adag oo uu dhistay taas oo ah bartilmaameed sahlan uuna iska daayey dhulkii baaxadda waynaa weynaa ee uu dhexdiisa ka heli karey gabbaab, kaas oo aan degaan biyo iyo beero lahayn oo in laga soo dhex saaro ka dhigeysa mid aan suuragal ahayn,''

Ciidamadii Ingiriiska oo libeysan laba maalmood kaddib bay ku Daraawiish ku duuleen iyagoo ku tala jira inay xarunta ka qabsadaan, hase ahaatee Daraawiish intaan colkii soo garin bay arladii ka qaxeen isla markaa Ingiriisku Sayidka waraaq buu u diray uu ku leeyahay isdhiib waraaqdaa hadalladii ku qornaa waxaa ki mid ahaa-.'

''While the preparations for these farther movements were in progress,
the General wrote to the Mullah stating the terms on which his surrender
would be accepted. İf he brought in with him the two Maxims he had captured at Erigo and Gumburo and 1400 rifles his life and the live of his famaly would be spared.
His future residence would be decided by his Majesteys Government.
no reply was receiced to this letter and it is doubtful whether it reached the mullah.

Hadalkaas oo Af-Soomaali loogu tarjami karaa sidaan:,

Intii ay socotey isu diyaarinta dhaqdhaqaaqyadaan dheeraadka ah ayaa Janaraalku waraaq u qoray wadaadka, isagoo caddeynaya shuruudaha isdhiibidiisa lagu aqbalayo:
Hadii uu keeno labadii boobe ee uu ku furtey Eeriggo iyo Gumburo iyo 1400 oo banaatiikh wanaagsan ah noloshiisa iyo nolosha qoyskiisa waa la badbaadinayaa, meesha uu degi doonana waxa u doori doonta dowlada Ingiriiska, warqadan wax jawaab ah lagama helin waxaana shaki wayn laga qabaa inay wadaadka gaadhayiyo in kale,


Xigasho Buuga Taariikhda daraawiishta ee Aw- Jamac Cumar Isse
W/Q.  Abdulkadir Yusuf Ali  waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahan (Freedomfighter)   Twitter / Facebook