“Maalin Murugo 19.12.1919 Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed” - W/Q. Abdulkadir Yusuf Ali

Sagaal iyo tobankii Bishii December sanadkii 1919kii waxaa magaalada Taleex laga gaystay duqayn aan loo meel dayin  iyo xasuuq gumaysi, kaasi oo ay ka gaysteen Ciidamadii booqortooyada Ingiriiska (ROYAL AIR FORCE). waa maalin u suntan dhamaan ummada Soomaaliyeed in la xasuusnaado oo la xusana inaga mudan.

Inkastoo aan qoraal lagusoo koobi karin halaagii iyo hoogii maalinkaa meesha ka dhacay bal aan wax yar ka taabano.
Diyaaradu waxay duqaysay Daraawiish December  19, 1919, waxayna noqotay halgankii waddaniga ahaa ee qaaradda Africa ugu horeeyey oo diyaarad lagula dagaalamo.  si ay taariikhdu iyadu isu fasisho, waxaan soo qaadanaynaa gabayadii caanka ahaa qaybo ka mida. Sayid Maxamed Cabdulle Xassan  (Raximahu laah) isagoo ka waramaya duqayntii maalintaasi iyo say wax u dhaceen Wuxuu yidhi,

- Coomaade duulayey Cadan ka keenee neeh
- Cirkii iyo dhulkii baa isqabsaday cararaqdoodiiyeh
- Adiguba caqlaad leedayee carar maxaa dhaamaa.

Goor subaxa ayaa xarumihii Darawiish losoo diray dayuuradaha dagaalka  ee Ingiriiska kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay inay haayeen lix dayuuradood oo nooca dagaalka ah, Kuwaasi oo isku mar dabka saaray dhamaanba goobihii ay ku tuhunsanaayeen Daraawiish taasi oo ay ka dhalatay in halkaasi ay ku naf wayaan dad tiro badan xoolo geel, adhi, iyo lo’o ba leh iyo waliba magaaladii oo dhulka lala simay gabi ahaanba iyo bara kac. maalintaasi Daraawiish waxay ku guulaysteen inay dhulka soo dhigaan mid ka mida lixdii diyaaradood ee duqaynta  gaysanayey. dayuuradahaan waxaa kaliya oo loo dirijirey goobaha boqortooyada Ingiriisku ay u aragto inay khatar wayni kagasoo fool leedahay. Sida aan la socono Ciidamadii isbaahaysiga ee Ingiriiska xabashida iyo Taliyaaniga oo ay Daraawiish gooba badan fooda  isku dareen hoog iyo guul daro ayay kala kulmeen Ingiriis iyo garabkiis,  goobaha aadka loo xasuusto waxaa ka mida dagaalkii Ruuga ama Dul-madoobe waa dagaalkii daraawiishtu ku dishay Richard Corfield waxaa wax ka qoray Taariikhyahan Canadiana oo lagu magacaabo Ray Beachey, Buugiisa ,The Warior Mullah: The Horn Africane, London 1990. Wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid xeelad adag ay Daraawishtu ku dagaalantay, ciidanka Ingiriiska wuxuu ahaa 110 oo Burco ka yimid, 35 goobtii baa lagu dilay ay ka mid ahaayeen (Corfield, Dunn, Ducaale), 17 dhaawac xun baa gaaray, 24 waa fakadeen lamana helin raq iyo ruux, 10 goobtii ayey ka carareen.
Ismaaciil Mire (Raximahu laah) wuxuu hogaaminayey ciidankii dagaalka ku qaaday ciidamadii Ingiriiska ee uu hogaaminayey Richard Corfield. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii Agoosto, 1913kii.
Gabaygu waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii looga soo dhacay qoladii lagu duulay, dilkii Koofil, iyo ugu dambaystii soo noqoshadoodii iyo saamigii geela.
Ismaaciil Mire, wuxuu ugu warramayey Sayid Mahammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga soo jaray Corfield. Ismail Mire Cilmi gabaygiisii waxaa ka mid ahaa:

- Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay,
- Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,
- Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay.
- Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,
- Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,
- Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray.
- Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,
- Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,
- Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay.
- Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,
- Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay,
- Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay.
- Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,
- Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay,
- Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi.

Markaa ka ddibna Sayid Mohamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku halqabsaday mariyey, oo wuxuu yidhi:

- Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee
- Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla'aaneede
- Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
- Nimankii jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye
- Jameecooyinkii iyo haddaad, jawi aragto
- Sida Eebahey kuu jirabay, Mari jawaabteeda
- Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
- Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
- Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
- Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
- Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
- Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

Dagaalkii diyaaradda ee Taleex Waxaa gumaysigii isku dayey in uu qabto Sayid Maxamed  Cabdulle Xassan, waxaase Sayidkii u talaabay Iimey iyo Ethiopia isagoo sii maray Baydhaba, wuxuuna markaas tiriyey tix uu ummadda Soomaaliyeed kula dar daarmayo, ayna ka mid ahayd:

- Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan
- Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiiseh
- Nin rageey dardaaran way u tahaye doqoni waa moogeh
- Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiyeh
- Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine
- Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada eh
- Marka xigaa dushuu idinka rari sida dameeraha eh
- Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay
- Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiyeh.

Waxaa halkaas ku hakaday halgankii waddaniga ahaa ee Daraawiish, Soomaalidiina waxay gacanta u gashay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi oo heshiis ku ahaa la dagaalanka Daraawiishta. Markaasaa Ingiriiskii gacanta ku dhigay Suldaan Mohamoud Ali Shire, loona masaafuriyey Seychelles 3’dii Bishii May  1920, iyada oo la sii mariyey mombay, India, iyadoo oo la sii saaray markab.
Sidaas si leeg Talyaani wuxuu soo gaadhay Gobalka Bari, wuxuu kale oo 1923 ka bilaabay Afgoye iyo Janaale in uu dadka beeraha ku falo, webigana kaga talaabo, waxaana ka mid ahaa goobtii caanka noqotay ee Kelli Asaylle, ee ragii ku dhintay dumarkoodii asay u qaadeen, halkaas oo magucu ka yimid.

Ugu dambayntii Xukunkii Daraawiishtu wuxuu gaadhay xagga Bari Ilaa Ayl, Waqooye Badda Cas, Koonfur ilaa Wardheer iyo Galbeed ilaa Kiridh.

W/Q Abdulkadir Yusuf Ali.

Waa Qoraa, Hal-abuure, Cilmi-baadhe iyo Aragtiyan.

facebook Kala Xidhiidh Qoraaga