Maalintii madoobayd - Qormo Taariikheed.

Maalintii madoobayd; Sagaal iyo tobankii bishii diseember sanadkii 1919-kii waxaa Qaaradda Afrika waddanka Soomaaliya magaalada taariikhiga ee Taleex laga gaystay duqayn aan loo meel dayin iyo xasuuq gumaysi, kaasi oo ay ka gaysteen ciidan-kii cirka (ROYAL AIR FORCE) ee booqortooyada xiligaa la odhan jiray boqortooyada aan qoraxdu ka dhicin ee Ingiriiska . waa maalin u suntan dhamaan ummada Soomaaliyeed in la xasuusnaado oo la xusana inaga mudan.
Inkastoo dad wixii la laayey, duunyo wixii ku lumay iyo daar burburay ama degel rogmaday qalinna lagusoo koobi karin, afna looga sheekayn karin, bal aan wax yar ka taabano.

Diyaaradu waxay duqaysay Daraawiish 19-kii diseember sanadkii 1919-kii waxayna noqotay halgankii waddaniga ahaa ee qaaradda Africa ugu horeeyey oo diyaaraddo lagu weeraro. si ay taariikhdu iyadu isu fasisho, waxaan soo qaadanaynaa gabayadii caanka ahaa qaybo ka mida. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (Raximahu laah) isagoo ka waramaya duqayntii maalintaasi iyo say wax u dhaceen Wuxuu yidhi,
- Coomaade duulayey Cadan ka keenee neeh
- Cirkii iyo dhulkii baa isqabsaday cararaqdoodiiyeh
- Adiguba caqlaad leedayee carar maxaa dhaamaa.
Goor subaxa ayaa xarumihii Darawiish losoo diray dayuuradaha dagaalka ee Ingiriiska kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay inay haayeen 6 - 8 dayuuradood oo nooca dagaalka ah, Kuwaasi oo isku mar dabka wada saaray dhamaanba goobihii ay ku tuhmayeen Daraawiish taasi oo ay ka dhalatay in halkaasi ay ku naf wayaan dad tiro badan xoolo geel, adhi, iyo lo’o ba leh iyo magaaladii oo dhulka lala simay gabi ahaanba. Inkastoo cadowga soo duulay aad ugu han waynaayeen inay gebi ahaanba tirtiraan raadka halgankii hubaysnaa ee Daraawiisheed hadana waxaan odhan karnaa kumaysan guleysan o wali magaalada qadiimaga ah ee Taleex waxaa laga helayaa qudbiyada jooga dheer ee in badan qofka arkaa iswaydiinayo injineeradii xiligaasi joogay ee dhisay dhismayaasha yaabka leh kulliyadda ama jaamacadda ay kasoo qalin jabiyeen halka ayku taalo.Qudbiyadan sadex ka mid ah waxaa ku kala aasan Sayid Maxamed aabbihii Cabdulle Xasan iyo hooyadii Carro Seed Magan iyo waliba mid ka midda fardihiisii, waa faraskii caanka ahaa ee Dhoodi-meer. Taleex ama caasimadii halgankii hubaysnaa ee Daraawiisheed waa goob xanbaarsan astaamo taariikhiya sida daaraha dhaadheer ee Daar ilaalo, Falaat iyo Silsilad.
Maalintaasi Daraawiish waxay ku guulaysteen inay dhulka soo dhigaan mid ka mida lixdii diyaaradood ee duqaynta gaystay. Tan xusidda mudan ayaa ah dayuuradahaan waxaa kaliya oo loo dirijirey goobaha boqortooyada Ingiriisku ay u aragto inay khatar wayni kagasoo fool leedahay. Sida aan la socono ciidamadii isbaahaysiga ee Ingiriiska,Talyaaniga iyo Xabashida oo ay Daraawiish gooba badan fooda isku dareen halaagna iyo hoog ayay kala kulmeen Ingiriis iyo garabkiis. Goobaha aadka loo xasuusto waxaa ka mida dagaalkii Ruuga ama Dul-madoobe waa dagaalkii Daraawiish ku dishay gaal la odhan jiray Koofil (Richard Corfield) oo ka mid ahaa madaxdii ciidamada Ingiriiska dalka Soomaaliya u fadhiday, madaxna ka ahaa rukuubleyda Ingiriiska (Camel Corps), Koofil iyo dilkiisii waxaa wax ka qoray taariikhyahan Kanadiyaana oo lagu magacaabo Ray Beachey buuggiisa The Warrior Mullah : The Horn Aflame, 1892-192.
Wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid xeelad adag ay Daraawish ku dagaalantay, ciidanka Ingiriiskana jabwayn loogu gaystay.
Ismaaciil Mire (Raximahu laah) wuxuu hogaaminayey ciidankii dagaalka ku qaaday ciidamadii Ingiriiska ee uu hogaaminayey Koofil. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9-kii bisha Agoosto 1913-kii. Jihaadkii goortii laga soo noqday ayaa Sayid Maxamad ku yiri Ismaaciil Mire: Xarunta uga warran jihaadkii, ambabixiinnii, weerarkii, dagaalkii, gebagabadiinnii iyo xoolihii saamigaad ka heshay, dabadeedna Ismaaciil Mire (AUN) oo Eebbe ugu deeqay haybada “askunka” ee qisooyinka iyo tebintoodaba. (Sh. J. C. Ciise, 1998) Waxa uu haddaba Ismaaciil mariyey gabaygan hoos ku qoran.
1. Annagoo Taleex naal jihaad, taladi soo qaadnay *
2. Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatey neef doora
3. Sayidkeennu tii uu na yiri, Torog ku heensaynnay
4. Shakadaha intuu noo tebbedey, noogu tacab qaybi
5. Illaahay ha’ tabantaabiyee, ducada noo tuumi
6. Wareegada rag baa waxay tewali, yaan wax kaa tegine
7. Annana tawlka qaalmaha nin iyo, tulud u soo saarray
8. Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
9. Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay
10. Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha raacnay
11. Habeenkii fardaha waw tudhnaye, taag ku sii mirannay
12. Tun biciida lagu qoofalyow, xamashka loo taabay
13. Talaaduhu markii ay dhaceen, talalay oo reemay
14. Tixda gabayga goortaan akhriyey, toose niman jiifay
15. Tiraabkaygu meeshuu ka baxay, la isku soo tuumi
16. Salaaddii markii aan tukannay, yaarka kaga taagnay
17. Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryeynay
18. Intay timacad noo soo arkeen, marada noo taage
19. Annaguna jihaad kama tagnee, tiimbad ugu roorray
20. Sengeyaal tabaadiyo galool, weerarka u tooxnay
21. Tiiraanyo ololkii dhulkii, Taani naga qaaday
22. Tallaa’ayda qaylada Berbera, tahan la weydaari
23. Taambuuglayaashiyo kuway, tebeysey soo gaadhe
24. Teysaha gugii oo hanqadhay, tininigtii yeedhay
25. Talaxumada awrkuu u xidhay, baqe tarraarsiinnay
26. Gildhigaanka meeshuu turqaday, lagu tunsii geela
27. Tirsan mayno uunkii tirmiyo, tulushle Iiddoore
28. Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay galabtaase
29. Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay
30. Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay
31. Gebagebo u tooxnoo Kufriga, maarre kaga teednay
32. Tafwareeman maynine intaan, tubay ku aanshaaday
33. Galabtaa carraabada ku nimid, turugga Buuhoodle
34. Habeenkaa ninkii tamar lahaa, tarantarree gaadhka
35. Habeen kale taxaashay Nugaal, Godan u tuuryeynay
36. Habeen kalena tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
38. Habeen kale Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe
39. Habeenkanna Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay
40. Toban gool tabaadiga dhigiyo, toban unuun gooyo
41. Iyo toban tiftii hore rimoo, taani lagu qooqshey
42. Iyo toban abeer tawllahoo, tixinka qaalmooda
43. Iyo toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
44. Iyo taan eryoon jirey markay, tubantehey joogto
45. Been laguma tookhiyo afaan, taabud noqoneyne
46. Intaa Xarunta waan tubay xaqaa, lagu tanaadaaye
47. Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimey e
48. Waa Xamar tarraara oo misana, taab ku sii daraye
49. Taltallaabsigiisiyo kabtiga, tabo kolow dheere
50. Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye
51. Tuludna uma godlaan reeruhuu, tawl ka saanyadaye
52. Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye
53. Suldaan Ruumna loo tebi inuu, tuuladii gubaye
54. Tima soohanlow Eebbahay, kuma tabaaleeyo
Markaa ka dibna Sayid Maxamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku halqabsaday mariyey, wuxuu yidhi:
Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne
Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la'aaneede
Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato
Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye
Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto
Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid
Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda
Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh
Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig duulaan dheh
Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil roonaa dheh
Waxay noo junjuunteena waa jamasha diineed dheh
Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh
Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen dheh
Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u muuji
Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban waa dheh
Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh
Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan qaaday
Wax badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii siin dheh
Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen dheh
Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay dheh
Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh
Markay rubbadu jaw tidhi or bay iga dul jiibsheen dheh
Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh
Siddii jananadii horre tashigu igu jaguugnaa dheh
Jidkii uu iblays ii horgalay jaasadii helay dheh
Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi dheh
Waxaa xusid mudan in ninkan ay Soomaalida badankeedu u taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb kana soo horjeeda halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo Daraawiishtiisa ee uu ahaa nin jinsiga Soomaaliga ah siddiisa u neceb. Wuxuu in badan ciidamo ku bixiyey oo uu soo mooroduugay shacab Soomaaliyeed oo wax ay u dhimeen iyo wax ay u geysteen Ingiriiska uusan jirin. Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku hoosnoolaa ximaayada Ingiriiska. Mar uu ku duulay reer guuraa meel deganaa kana soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa kuu Ina-Weysaxume tixda ku mariyey:
Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay
Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye
Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye
Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye
Afku gow' ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye
Guga ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye
Dagaalkii diyaaradda ee Taleex waxaa gumaysigii isku dayey in uu gacanta ku dhigo oo qabto Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo hadhaagii Daraawiish, waxaase Sayid u talaabay Iimey oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare halkaasi oo ciidan uu qalqaaliyey si rogaal loogu celiyo. Iyadoo guuti lixaad leh laysu dumay, ambabaxna heegan loo yahay ayaa duumo, daacuun, fanto iyo furuq miduu ahaaba Eebbe weyne tacluus ku fariisiyey. Raggii duullaanka u heeggannaa ama dagaalka geli lahaa waxay noqdeen in taal iyo in tarabtarab u la’atay. Ingiriisku markuu taa ogaaday, guuto camaaryalay ah oo Soomaalidii raacsanayd u badan buu ku soo bixiyay. Iyadoo Daraawiishi tahay in le’atay iyo in jiifta iyo in aan itaalba hayn, ayaa colkaas galay, kaas oo qalqaaladiisa, hubkiisa, raashinkiisa iyo wareegadiisaba Ingiriisku lahaa. Waxaa Ingiriiska maammule uga ahaa Sir Archer Soomaaliduna u tiqiin Caarshe-Dheere. Hase ahaatee ciidanka Ingiriis u dagaallamayey wuxuu ahaa Soomaali soocan oo aan la tarraxin. colkaasi dad wuxuu helayna waa laayay, duunya wuxuu helayna waa taabay. Meel ay Daraawiishi daar ka dhisto ama ay dab ka belbeliyaan waa meeshii ugu dambaysay. Sayid Maxamedna halkaasuu ku geeriyooday 1921-kii. wuxuuna intuu Iimay iyo agagaarkeeda joogay tiriyey tix Dardaaran wuxuu ka mid yahay gabayada Sayidka kuwii ugu dambeeyey. Waa dhiirigalin iyo dardaaran isku jira. Daraawiish oo Ingiriis diyaarado ku rusheeyey oo kasoo baxday dhulkii ay ka talin jirtay oo dhan, aadna u niyad jabsan ayuu Sayidku ku dagaalgelinayey. Wali xoogbaan leenahay gaalkana waynu iska dhicin karaa ee dagaalama oo yaan la isu dhiibin gumaysiga ayey dulucdiisu tahay.
Sidoo kale, niman Ingiriiska dabadhilif u ahaa oo ku diirsaday jabka Daraawiish gaadhay gabayana ka mariyey ayuu sayidku si gaar ah u xujeeyey. Wuxuu gabayga ku qeexay inaan gumaysigu kala jeclayn Soomaali, Sayidka dagaalkooda heeganka u ah iyo kuwa u adeegana ay isugu mid yihiin, ujeedadiisuna ay tahay inuu dalka iyo dadkaba qabsado oo gumeeyo.
Sayidku wuxuu ku dacwiyey in maalinta isaga la waayo Soomaalina la waayi doono sidii dameerihiina afar tanag gumaysi ka dhookayn doono. Dhagarta iyo khayaanada gumaysiga ayuu si guud iyo si gaar ahba uga digay.
Wuxuu qeexay in uu isagu u xishay inuu gumaysiga dalka ka saaro, haddii uu maal iyo maamuus kale oo adduunyaad doonayana Ingiriis wax walba inuu diyaar ula ahaa ayuu xusuusiyey kuwii hadalka macno daradda ah usoo dhiibay. Wuxuu sheegay inuu ku dhiman doono jahaadka, diinta iyo koryeelidda kalimadda Alla. Wuxuu yidhi Sayidku:
· Min dalaysan doocaan irmaan, deero labankeeda
· Darmo iyo furaash la isu dhigay, daalan iyo googgo’
· Anigoo waxaan doono iyo, darajaday haysta
· Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay
· Dayuurado gaawan iyo wixii, nala dul gawriirshay
· Waagii dillaacaba wixii, naga dul meeraayey
· Inkastoonu qaar daadinoo, deli ka tuuryeynay
· War deexdii baddii Daalo iyo, dalalyadii xeebta
· Dulkii aanu joognaba wixii, nagu duqaynaayey
· Dumbuq summuca degalkaan ka kacay, dahab wixii jiifay
· Dallaadii bannaanayd wixii, dad iyo maal joogay
· Dagal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay
· Duurka iyo hawdkii wixii, duunyo lagu dhaafay
· Lo durdura wixii nalaga dhacay, dalawidii geela
· Adhi daad masaalkii ah wixii, nalaga sii daayey
· Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, culumadii diinka
· Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda
· Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay
· Dirirtii Nugaaleed wixii, nalagu dooxaayey
· Wixii diricyadaydii kufrigu, daabaca u qaaday
· Duqow iyo dhallaan iyo waxaan, dumar na loo reebin
· Maxajabad daboollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey
· War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey
· Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu dibiq leeyey
· Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaskeedku
· Dubuhii ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay
· Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay
· Dabradii waraabe iyo furuq waxa, dadkii xaaqay
· Iimey degteedii waxay, duumo nagu laysay
· U duuflaalideedii waxaan, Doollo uga guuray
· Daltabyeysigii nagu dhecee, duufka na cunsiiyey
· Dacluulka iyo ciilkii waxaan, dibinta ruugaayey
· Dulinkii kaneecada waxaan, duudka ka cadhownay
· Dusha Go’ane waxa awgayow, nala dubaaqyeeyey
· Daandaansigii nagu qabsaday, webiga diishiisa
· Durqunkii Warneefkii qabsaday, dibidii noo joogtay
· Diihaal wixii uu na baday, daafi cunidiisa
· Dabaley Caruusaad waxaan, deris xigaal moodnay
· Durufley Amxaaraad waxay, nagu dinaahyeysay
· Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey
· Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero
· Dul-ku-neefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska
· Dubbayaal wixii nagu dhacee, na lagu daaduunshay
· Annagu diidi maynoo wadkaa, Daayin noo qoraye
· Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado e
· In kastoo daleel nala dhigoo, docna nagu cayman
· Mar haddaan cid laga daynahayn, mowdka damaqdiisa
· Ragga haatan soo diganhayow, dan iyo xeeshaada
· Dacwaddaasi waa midaan niyada, samir ku diimeeyey
· Waa mid damisay cadhaduu qalbigu, ila dikaamaayey
· Dabuub kalena waa hadal yaroon, diirka ka caddeeyey
· War Daarood Ismaaciil ma oga, dooxa loo qodiye
· Waa niman dufooboon arkayn, deyr in loo dhigiye
· Waa wada damiin aan kasayn, daalinka hoosyaale
· Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye
· Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale
· Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne
· Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye
· Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilaye
· Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne
· Xadhkaheer u daadsane misana, ciidda lagu duugay
· Oo doora weynow kufrigu, dul uga saynsaabay
· Markaan dunida dhaafaa walee, lagu dabaayaaye
· Igu diima aa ama dafarid, igula doodaaba
· Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe
· Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye
· Afartaa intaan deel ku dhigay, dow ma qabadsiiyey
· War deelqaafku waa ba’anyahee, daacad ma u sheegay
· Dacwad kalena Soomaali waa, hal aan dareensiiyey
· Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane
· Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
· Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
· Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
· Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
· Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
· Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
· Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
· Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
· Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
· Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
· Sida doxorka Iidoor anaan, duud xamaal noqone
· Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
· Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
· Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
· Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
· Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
· Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
· Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
· Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
· Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
· Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
· Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
· War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
· Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
· Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
· Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
· Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
· Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
· Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
· Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
· Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
· Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
· Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
· Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
· Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
· Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
· Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
· Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
· Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
· Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
· Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
· Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
· Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
· Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
· Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
· Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
· Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
· Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
· Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
· Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
· Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
· Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
· Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
· Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
· Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
· Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
· Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
· Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
· Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
· Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
· Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
· Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
· Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
· Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
· Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
· Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
· Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
· Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo
Waxaa halkaas ku hakaday halgankii waddaniga ahaa ee Daraawiish inakstoo uusan dhiman fikirkii xornimo doonku. Soomaalidiina waxay gacanta u gashay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi oo heshiis ku ahaa la dagaalanka Daraawiishta. markaasaa Ingiriiskii gacanta ku dhigay Suldaan Mohamoud Ali Shire, loona masaafuriyey Seychelles 3-dii bishii May 1920. Sidaas si leeg Talyaani wuxuu soo gaadhay gobalka Bari, wuxuu kale oo 1923 ka bilaabay Afgooye iyo Janaale in uu dadka beeraha ku falo, webigana kaga talaabo. waxaana ka mid ahaa goobtii caanka noqotay ee Kelli Asaylle, ee ragii ku dhintay dumarkoodii asay u qaadeen, halkaas oo magucu ka yimid.
Ugu dambayntii xukunkii Daraawiishtu wuxuu gaadhay xagga Bari ilaa Ayl, Waqooye Badda Cas, Koonfur ilaa Wardheer iyo Galbeed ilaa Kiridh.
Gebogebadii: Waxaan u mahadcelinayaa qorayaasha mareegta Doollo.com oo waxbadan aan ka fa'iiday, waxaa iyana lama ilaawaana oo Alle uga baryeyaa inu janatulfardowsa ka waraabiyo Al-ustaad Aw-jamac Cumar Ciise Buugtuu inooga tagay; Diiwaanka Gabayada Sayid M.C. Xasan iyo Tariikhdii Daraawiisheed.