Gabayo Qoraala

Taariikh Nololeedkii iyo Gabyadii Ismaaciil Mire Cilmi.

Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay deegaanka Laasadaar oo udhow Buuhoodle 1882,
gabyaagani ayaa lagu xusey gayadiisa iyo taariikhdasaba waxaa sanadkii 2002 bishii 3aad gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamid noqdaan gabayo kamid ah manjahka tacliimiiga kuliyada suugaanta ama adabka.
Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo koobi Karin misana misena waxaynu dad waynaha ugu talagalnay in aanu xasuusino suugaanta soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow aan soomaali ahayn hada gabayga ay aad ka ulayaabeen suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka sudan wuxuu ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule profeser ka tirsan jaamacadaas baa igu yiri weligey ma arag ninkan nin ka aftaahnsan maraka hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi kuturju mi doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid ismaaciil mire,hadaba yaa nan idinku dheereenine maanta ayenu qaadano labadana gabay ee ugu horeeya isbuucaan waxay noqon doonaan labadan gabay ee hoos kuxusan waxayna kala yihiin=>

1- Ha Furfurin Dermada


Sheekooyinka wadaniga ee ah lama-dhaafaanka ah.waxaa rag
daraawiish iweriyeen in Sayid Maxamed ciidan uu Ismaaciil Hogaaminayoku yidhi in aysan degmada ku leexleexan si aysan uga baaqan hawsha loo santay goor galab ah ayey degmooyinkii ku soo beegmeen dabadeedna Daraawiishtii baa mudo yar caruurtoodii iyo dumarkoodana kula soo balamaan loo sheegay, muddadii oon aan dhamaan ayey faradaha fuuleen. Ismaaciil mire oo maalintaas 7 bilood ka maqnaa afadiisa Faaduma
tegiddaas haatana oo hadana degdega ah aad bay uga xumaatay, waxayna jeclayd in uu maalmo la sii joogo Gabyaagu dad kale ka garasho dheer , kolkii uu astaamahaas oo dhan gaaridisii ka dareemay ayuu isagoo kadallooba gabaygan caanka noqday ku Yidhi :-

1-Ha Furfurin Dermada
Faadumoy falaadkaygaan fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlay gobi ku faydaaye
Fahmadaba adaan qaadan baad feedho hadashaaye
Fillan naag taqaan waa ibleys furuq-alluu-keenye
Fidmadeeda xaajada adaa faraya shaallaaye
Ferenjaan ilaalinayaa foos ka soo baxaye
Feddadaan wareegaa sidii farow ugaadheede
Ma furfuro habeenkii guntiga foore soo dhacaye
Fakayoonka iyo gaadhka badan feeyigaan bidaye
Xeedhyahan fandhaalaysan iyo Faarac labankeeda
Fujaamadan la soo sidiyo Foonka malabaysan
Fartaydaa anaan saarin baan fuuli Looshane' e
Inaan adiga kaa fiigayaad igu filaysaaye
Furuq igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye
Ha Furfurin dermada layga waa inaan fadhiistaaye
Foolkii Astaadkaan ku helay faydo iyo Khayre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma fakhriyo Shareecada ninkii faraqa haystaaye


Kaadsada
...........................................................................................
Nin La odhan jirey Maxamed faarax . laguna naanayso <>Ismaaciil Mirena Ilmaadeer ahayeen ayaa beri damcay inuu u safro oo Burco geeyo Xool iyo badeeco kale, kuna soo badasho lacag iyo qalab magaalo Ismaaciil oo isagu ahaa reer miyi aan car isku rogin ayaa <> u yeedhay si uu socdaalka uga baajiyo, Gabaygu ha la maro ama kas ha u yeelo ee waxuu maagay Salaan carabey oo gabya ahaa
<<Hadii safar magaalo iyo ganacsi khayr leeyahay Salaan baan Caato iyo Weyd la dalanbaabiyeen>> ayuu Ismaaciil gabayga ku soo gabagabeeyey . Waxuu Yidhi:-

1-Ha Furfurin Dermada
Magaalada raggow kacahayow kol ila soo joogso
Kallahaad haddaad damacsan tahay Maxamedow kalay
Kalmaddeyda lama quudhsadee maqal kalaamkayga
Kaddib iyo in been lagu hadlaa waa karaahiyo e
Kaftan looma yidhi xaajadii kaamil loo yahaye
Waa kararrah hadalkii xunoo lagu kireystaaye
Kuwa miyiga keenada geshaye dabo kushlaynaaya
Oo rubiga ay kalawsadeen kiishadda u qaatay
Kulayl kagama hadhin ceebna waa kay u go'ayaane
Karuurka iyo caanaha dhanoo deyso kabashkaaga
Korjadahana aqalkaaga dhigo koran ma doonaane
Haduu kabare khayr leeyihiyo kadab la soo iibsho
Ama lagu kashbacayoo qaxwuhu badhida keenaayo
Ama soor aad keligaa cuntaa kamanka buureyso
Kaadsada Salaan baan futadu kaxankaxawdeene
<============>


“Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay…”
===============================>Gabayada caan baxay ee laga mariyey dagaalkii Ruuga [ee dhacay 9kii bishii tobnaad,1913, kana dahacay dacalada buurta Dulmadoobe, laguna halligay Richard Corfeild (amaba Koofil) oo kamid ahaa madaxdii ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Bari Soomaaliya] ayaa waxaa kamid ahaa gabaygii Ismaaciil Mire (AUN) ee ahaa, “Annagoo Taleex naal Jihaad taladi soo qaadnay.”

Ismaaciil markii uu libintii dagaalkaas ula hoyday xaruntii Daraawiishta ee Taleex, ayuu Sayid Muxammad (AUN) ka dalbaday in Ismaaciil dadkii xarunta dhoobnaa uga waramo sida dagaalkaa loo abaabulay loona soo afjaray.

Ismaaciil Mire (AUN) waxa uu Eebbe ugu deeqay haybada “askunka” ee qisooyinka iyo tebintoodaba. (Sh. J. C. Ciise, 1998) Waxa uu haddaba Ismaaciil mariyey gabaygan hoos ku qoran.

1. Annagoo Taleex naal jihaad, taladi soo qaadnay *
2. Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatey neef doora
3. Sayidkeennu tii uu na yiri, Torog ku heensaynnay
4. Shakadaha intuu noo tebbedey, noogu tacab qaybi
5. Illaahay ha’ tabantaabiyee, ducada noo tuumi

6. Wareegada rag baa waxay tewali, yaan wax kaa tegine
7. Annana tawlka qaalmaha nin iyo, tulud u soo saarray
8. Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
9. Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay
10. Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha raacnay

11. Habeenkii fardaha waw tudhnaye, taag ku sii mirannay
12. Tun biciida lagu qoofalyow, xamashka loo taabay
13. Talaaduhu markii ay dhaceen, talalay oo reemay
14. Tixda gabayga goortaan akhriyey, toose niman jiifay
15. Tiraabkaygu meeshuu ka baxay, la isku soo tuumi

16. Salaaddii markii aan tukannay, yaarka kaga taagnay
17. Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryeynay
18. Intay timacad noo soo arkeen, marada noo taage
19. Annaguna jihaad kama tagnee, tiimbad ugu roorray
20. Sengeyaal tabaadiyo galool, weerarka u tooxnay

21. Tiiraanyo ololkii dhulkii, Taani naga qaaday
22. Tallaa’ayda qaylada Berbera, tahan la weydaari
23. Taambuuglayaashiyo kuway, tebeysey soo gaadhe
24. Teysaha gugii oo hanqadhay, tininigtii yeedhay
25. Talaxumada awrkuu u xidhay, baqe tarraarsiinnay
26. Gildhigaanka meeshuu turqaday, lagu tunsii geela

27. Tirsan mayno uunkii tirmiyo, tulushle Iiddoore
28. Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay galabtaase
29. Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay
30. Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay
31. Gebagebo u tooxnoo Kufriga, maarre kaga teednay

32. Tafwareeman maynine intaan, tubay ku aanshaaday
33. Galabtaa carraabada ku nimid, turugga Buuhoodle
34. Habeenkaa ninkii tamar lahaa, tarantarree gaadhka
35. Habeen kale taxaashay Nugaal, Godan u tuuryeynay
36. Habeen kalena tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
38. Habeen kale Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe
39. Habeenkanna Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay

40. Toban gool tabaadiga dhigiyo, toban unuun gooyo
41. Iyo toban tiftii hore rimoo, taani lagu qooqshey
42. Iyo toban abeer tawllahoo, tixinka qaalmooda
43. Iyo toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
44. Iyo taan eryoon jirey markay, tubantehey joogto
45. Been laguma tookhiyo afaan, taabud noqoneyne
46. Intaa Xarunta waan tubay xaqaa, lagu tanaadaaye

47. Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimey e
48. Waa Xamar tarraara oo misana, taab ku sii daraye
49. Taltallaabsigiisiyo kabtiga, tabo kolow dheere
50. Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye
51. Tuludna uma godlaan reeruhuu, tawl ka saanyadaye
52. Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye
53. Suldaan Ruumna loo tebi inuu, tuuladii gubaye
54. Tima soohanlow Eebbahay, kuma tabaaleeyo

Ismaaciil markii uu libintii dagaalkaas ula hoyday xaruntii Daraawiishta ee Taleex, ayuu Sayid Muxammad (AUN) ka dalbaday in Ismaaciil dadkii xarunta dhoobnaa uga waramo sida dagaalkaa loo abaabulay loona soo afjaray.
Ismaaciil Mire (AUN) waxa uu Eebbe ugu deeqay haybada “askunka” ee qisooyinka iyo tebintoodaba. (Sh. J. C. Ciise, 1998) Waxa uu haddaba Ismaaciil mariyey gabaygan hoos ku qoran. 
1. Annagoo Taleex naal jihaad, taladi soo qaadnay *2. Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatey neef doora3. Sayidkeennu tii uu na yiri, Torog ku heensaynnay4. Shakadaha intuu noo tebbedey, noogu tacab qaybi5. Illaahay ha’ tabantaabiyee, ducada noo tuumi
6. Wareegada rag baa waxay tewali, yaan wax kaa tegine7. Annana tawlka qaalmaha nin iyo, tulud u soo saarray8. Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay9. Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay10. Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha raacnay
11. Habeenkii fardaha waw tudhnaye, taag ku sii mirannay12. Tun biciida lagu qoofalyow, xamashka loo taabay13. Talaaduhu markii ay dhaceen, talalay oo reemay14. Tixda gabayga goortaan akhriyey, toose niman jiifay15. Tiraabkaygu meeshuu ka baxay, la isku soo tuumi
16. Salaaddii markii aan tukannay, yaarka kaga taagnay17. Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryeynay18. Intay timacad noo soo arkeen, marada noo taage19. Annaguna jihaad kama tagnee, tiimbad ugu roorray20. Sengeyaal tabaadiyo galool, weerarka u tooxnay
21. Tiiraanyo ololkii dhulkii, Taani naga qaaday22. Tallaa’ayda qaylada Berbera, tahan la weydaari23. Taambuuglayaashiyo kuway, tebeysey soo gaadhe24. Teysaha gugii oo hanqadhay, tininigtii yeedhay25. Talaxumada awrkuu u xidhay, baqe tarraarsiinnay26. Gildhigaanka meeshuu turqaday, lagu tunsii geela
27. Tirsan mayno uunkii tirmiyo, tulushle Iiddoore28. Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay galabtaase29. Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay30. Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay31. Gebagebo u tooxnoo Kufriga, maarre kaga teednay
32. Tafwareeman maynine intaan, tubay ku aanshaaday33. Galabtaa carraabada ku nimid, turugga Buuhoodle34. Habeenkaa ninkii tamar lahaa, tarantarree gaadhka35. Habeen kale taxaashay Nugaal, Godan u tuuryeynay36. Habeen kalena tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay38. Habeen kale Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe39. Habeenkanna Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay
40. Toban gool tabaadiga dhigiyo, toban unuun gooyo41. Iyo toban tiftii hore rimoo, taani lagu qooqshey42. Iyo toban abeer tawllahoo, tixinka qaalmooda43. Iyo toban irmaanoo aniga, la igu taageeray44. Iyo taan eryoon jirey markay, tubantehey joogto45. Been laguma tookhiyo afaan, taabud noqoneyne46. Intaa Xarunta waan tubay xaqaa, lagu tanaadaaye
47. Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimey e48. Waa Xamar tarraara oo misana, taab ku sii daraye49. Taltallaabsigiisiyo kabtiga, tabo kolow dheere50. Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye51. Tuludna uma godlaan reeruhuu, tawl ka saanyadaye52. Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye53. Suldaan Ruumna loo tebi inuu, tuuladii gubaye54. Tima soohanlow Eebbahay, kuma tabaaleeyo



Sida idiinka muuqata meerisyadan kore, Ismaaciil waxa uu gabaygiisaa raacsiiyey wadiiqo toosan oo hoos illaa iyo kor weecweecad aan lahayn. Waxaad markaad si fiican u dhuuxdo gabaygan isleedahay waa mid loola tagey qalin sidii ruux curis sare qoraya oo kale, waayo waxaad ku dhex arkaysaa tixdan: Gogoldhig, ubuc iyo gebogebo..