Horta baro Dalkaaga (Asalka Erayga Soomaali)

Taarikhda dadyowga dhirin-dhiriya waxay yidhaahdeen ereyga Soomaali wuxuu ka yimid laba eray oo isu tagay oo ah ( Soo-Maal ) kaas oo ka kooban labada eray ee kala ah (Soo) oo ah Soco, iyo (Maal) oo ah Lis, taas oo markaas noqonaysa
(Soco-Lis) waayo bay leeyihiin erayga (Soo) wuxuu isu bedelay (Soco) waxay kaloo leeyihiin qaarkood (Soo) waa Sac magaciis, (Maal'na) waa Lis, markaas magacu wuxuu noqonayaa (Maal Saca) dadka sidan aaminsan waxay leeyihiin erayga Soomaali waxaa bxiyey dadkii u soo ganacsi tagi jiray dalka Soomaaliya, waayo markaas waxay maqli jireen (Soo-maal) kuwa kale oo wax baadha iyaguna waxa leeyihiin magaca Soomaali wuxuu kasoo jeeda erayga Carabiga ah ee (Duu-maal) kaas oo micnihiisu yahay; (Shacab xoolo badan leh) qaar kalena waxay ku doodayaan erayga kale ee ah (Samaa-la) oo micnaheedu yahay ninkii waranka dheeraa, si kastaba ha ahaatee qaar kale ayaa baadhitaankoodii ku soo hooriyey magaca (Soomaal) in uu ahaa Ab iyo wasiirkii ay kasoo farcameen dadka Soomaaliyeed ee (Aw-samaanle)

Sidoo kale dalka Soomaaliya Dunidu waxay u taqaan ama u aqoon jirtay magacyo badan Sida:

: Dhulkii udgoonaa, 
: Dhulkii Eebbe, 
: Geeska Afrika, Iwm.


W/Q. Abdulkadir Yusuf Ali. waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahan