Mujaahid Ismaaciil Mire oo kawaramaya weerarkii ay ku dileen Koofil.

Waxaan si joogta ah idiinku soo gudbin doonaa  hadii ilaahay idmo Asbuuciiba mar taariikhdii daraawiishta oo halgankoodii uu sababay calanka buluga ah,hadaba hadii aan ku soo qaadano  taariikhda halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ay xarun u ahayd magaalada Taleex,waxaa lacadeeyay intii aanu taleex degin kahor inuu sahann ahaa oo aanu wax dagaal ahna qaadin.hadaba intii u dhexeysay 1901-1920 xilligaasi oo dagaalo dalka lagaga xoreynayey cadowgii gumeystaha.

Ciidamadii Daraawiishta waxay dagaalo qadhaadhla galeen kuwii Ingiriiska,talyaaniga,iyo waliba soomaali lasocotay,kuwaasoo u kala qaybsanaa kuwa dalka ku soo duulay iyo kuwa dalka u gacan gelinaayay.
Sida la wada ogsoon yahay, ciidamadii Daraawiishta oo tiradooda dhabta ah aanay cidina ogayn  ee uu hogaaminayey mujaahidkii Abwaanka,iyo caalimkaba ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxay ahaayeen kuwo culus oo marar kala duwan ka dhacay qeybo ka mid ah waqooyiga ,koonfurta,bariga iyo galbeedka Soomaaliya, waxayna dagaaladaasi  sababeen khasaarooyin xoogan oo soo gaaray ciidamadii xolafadii gumeysiga iyo daba dhilifkii.
Daraawiishtii xaq u dirirka ahayd ee wadankooda daafacanayey waxay ahaayeen rag hal mabda’leh (geeri iyo nolol sharaf leh).
Dawlada Ingiriiska waxay  qiratay in jab weyn uu kasoo gaadhay dagaalkii ay la galeen ciidamada Sayidka  lagagana laayay saraakiil badan xiliyo iyo meelo kala duwan sida
1. Lieutenant BELL 2nd King’s African Rifles Gumburru, 15th April 1903
2. Lieutenant C.H. BOWDEN-SMITH Jidbaalle, 10th January 1904
3. Captain C.M. BRUCE Royal Field Artillery Dharatoleh, 22nd April 1902
4. Lieutenant CHICHESTER 6th King’s African Rifles Galaadi, 16th April 1902
5. Captain Duncan A. FRIEDRICHS –Royal Engineers –Ferdiddin 17th June 1901
6. Lieutenant GAYNOR –
2nd King’s African Rifles–Gumburru, 15th April 1903
7. Captain Charles GODFREY, DSO –British Central Africa Indian Contingent (Born 16th Feb. 1872, son of Major-General Godfrey)Dharatoleh, 22nd April 1902.
8. Captain JOHNSTON-STUART –2nd King’s African Rifles –Gumburru, 15th April 1903
9. Captain LISTERJidbaalle, 10th January 1904
10 Captain McKINNON 2nd King’s African Rifles –Gumburru, 15th April 1903
11 Captain MORRIS 2nd King’s African RiflesGumburru, 15th April 1903
12 Captain Herbert Edward OLIVEY –Suffolk RegimentGumburru, 15th April 1903
13 Major PHILLIPS –Erigaaboo 6th October 1902
14 Lieutenant-Colonel Arthur William Valentine PLUNKETT –2nd King’s African Rifles –Gumburru, 15th April 1903
15 Captain H.B. ROWLANDSKing’s African RiflesDaratoleh, 22nd April 1902,
16 Lieutenant Francis Wheler SIME –Indian Medical Service –Gumburru, 15th April 1903.
17 Captain Herbert Charles VESEY –2nd Sikhs –Gumburru, 15th April 1903.
18 Lieutenant Joseph Raboteau WELLANDRoyal Army Medical CorpsJidbaalle, 10th January 1904.
19 Captain ANGUS Royal Artillery Erigaaboo 6th October 1902
20.Richard Corfield(koofil).royal corp&Affrican specialist-9kii August, 1913kii.

xanuunkii faraha badnaa ee uu gaadhsiiyay sayidka iyo Daraawiishi waxay u bixiyeen magaca “Wadaadkii waalnaa” ama “the mad mullah”.
Hadaba hadaynu maqaalkan maanta ku soo qaadano dagaalkii(Ruuga) ee lagu dilay captain Corfield (koofil)iyo ciidamadiidaraawiishta ee uu hogaaminaayay Ismaaciil Mire ee dagaalkaas galay waxaa lagu sheegay tiradoodu inay ahaayeen 7,000 sida kucad gabaygiisa wuxuuna ka mariyey gabay dagaalkii ay iskaga hor yimaadeen Daraawiishta iyo Ciidankii Ingiriiska ee uu ammaanduulaha ka ahaa Richard Corfield(koofil).
Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii August, 1913kii. Gabaygu waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii looga soo dhacay qoladii lagu duulay, dhimashdii Koofil, iyo ugu dambaystii soo noqoshadoodii iyo saamigii geela. Ismaaciil Mire, wuxuu ugu warramayey Sayid Maxammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga soo jaray Corfield. Gabaygu wuxuu ka mid yahay gabayada nooca ugu sarreeya. Qofkii bartaana uu aqoon weyn ka heli karo. Wuxuu Yidhi Abwaankii


Xigasho Real Taleex