Taariikh Kooban Abwaan Axmed Faarax Cali 'Idaajaa'

Axmed Faarax Cali oo 'Idaajaa' ku magac dheer waa suugaanyahan Soomaaliyeed oo aad ugu xeel dheer dhaqanka iyo taariikhda suugaanta Soomaalida. Idaajaa wuxuu ka faaloodaa suugaanta iyo caadooyinkii hore ee sooyaalka ahaa.
Idaajaa waxay dad badan oo Soomaaliyeed ku xusuustaan barnaamijyadii faraha badnaa oo uu ka soo jeedin jiray Raadiya Muqdisho berigii dowladdii Soomaliyeed ay jirtay oo uu Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa.

Soo Bandhigii Idaajaa ee Barnaamijyadii Raadiyo Muqdisho

Barnaamij caan ahaa oo dadka reer Muqdisho dhalin iyo waayeel ay xiiseen jireen waxaa mid ahaa barnaamijkii gabayada isaga oo Idaajaa uu markii ugu horaysay maanso, murti iyo maahmaah intaba uu isku mashquulin jiray inuu soo helo qofkii, sababtii iyo goortii la curiyay gabay ama maahmaah iyo iyada oo inta badan lagu gunaanadayo hab bandhiga Idaajaa inyuu yahay mida isaga amaanteeda uu leeyahay mudo 40 sano ka badan hada. Idaajaa waxyaabaha uu qabto waxaa ka mid ah gabay uu tiro iyo mid uu soo bandhigo isaga oo ururin, tifaftir iyo waxyaabo kale ku biiriya gabayyada taariikhiga ahaa Wiilwaal, Raage Ugaas, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ragii daraawiish murtidoodii iyo oraahyadoodii ilaa waayihii gobonimo udirirka ummada Soomaaliyeed. AUN Cabdullaaih Suldaan Tima Cadee, Yamyam, Dhoodaan ilaa abwaan Hadraawi oo nool intaba mid uusan Idaajaa maansadoodii ka faaloon ma jiro.
Waayihii Idaajaa uu ka shaqaynayay Raadiyo Muqdisho iyo guud ahaan warbaahinta qaran oo Raadiyo Hargaysa laliksa maansada iyo muritada gaarsiin jiray wuuxuu lafa guri jiray suugaantii maansayahankii Soomaaliyeed ee noolaa qarnigii 19d iyo kii 20d. Idaajaa wxuu ka mid yahay dadka tirada yar ee ka xog warrama suugaantii iyo hal-abuurkii Soomaalidii hore.

Waayahan Dambe[2000 - 2012]

Waqtigan la joogo  Idaajaa wuxuu kasoo jeediyaa idaacadda VOA-da laanteeda af Soomaaliga, barnaamij lagu magacaabo 'dhaqanka iyo hiddaha' oo uu ku qaadaa dhigo kuna faalleeyo suugaanta Soomaalida qeybaheeda kala duwan iyo wixii ay ka gabyi jireen ama tix ay ka curin jireen maansayahnkii hore.

Diiwaanka Maansada Daraawiishta iyo Dadaalka Idaajaa

Idaajaa wuxuu si aad ah isugu howlaa mar walbo in uu muujiyo maansadii raggii Daraawiishta madaxda u ahaa oo ay ugu horreeyaan hoggaamiyeheedii, Sayid Maxamed Cabdille Xasana iyo Ismaaciil Mire.
Waxaa kale oo Idaajaa jecelyahay aadna u sharaxaa (sida laga dheehan karo faallooyinkiisa) gabayadii Cali Dhuux Aadan Goroyo, oo ahaa gabayaa Soomaaliyeed oo noolaa waqtigii Daraawiishta. Guud ahaan, Idaajaa wuxuu si qoto dheer mar walba u sharxaa maansadii hore iyo raggii curiyay. gabayo ayaa loo baahan yahay hadal looma baahna.

Eedaynta Dadka Qaar ee Hab Bandhiga Idaajaa

Dad fara badan oo af Soomaaliga wax ku qora yaa jiro oo dhaliilsan barnaamijyada iyo qormooyinka Idaajaa. Waxay ku eedeeyaan, in Idaajaa uusan dhexdhexaad ka ahayn marka uu werinayo taariikh-suugaaneedka Soomaalidii hore, gaar ahaan kuwooda dega Waqooyiga iyo Waqooyi Bariga dhulka Soomaalida. Dadkaas waxaa ka mid ah, Ibraahim Yuusuf Axmed 'Hawd' oo qoraa Soomaaliyeed ah.
Guud ahaan, Axmed Faarax Cali 'Idaajaa' waa nin afka, dhaqanka, iyo suugaanta Soomaalida si xeel dheer u yaqaan, wuxuuna ka mid yahay dadka yar oo noociisa ah ee maanta nool.