"Ilaahay markuu il daboolo mid kale buu furaa" Taariikh nololeed Kooban (AHUN) Awjamac Cumar Ciise

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyoodey  Jabuuti Qoraa, Taariikh-yahan iyo Suugaan ururiye aw-Jaamac Cumar Ciise. aw-Jaamac ayaa ka mid ahaa dadka tirada yar ee isku hawla in ay badbaadiyaan afka Soomaaliga waxaana uu kamid ah taariikhyahanada ugu magaca wayn Soomaaliya.
Aw Jaamac Cumar Ciise muddooyinkii u danbeeyey  wuxuu degenaa  dalka Jabuuti halkaasi oo uu wareegay kadib burburkii dowladii Soomaaliya.
Aw-Jaamac ayaa ahaa nin si weyn u yaqaanay diinta Islaamka aadna u cibaado badana isla markaana culimo badan wax ka soo akhristey. Cimrigiisa oo rabbi u barakeeyey ayaa hadda kor u dhaafayey 90 sano, waxaana uu ku dhashey baadiyaha magaalada Qandala.

Waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto Aw-Jaamac ayaa ah halgankii xooganaa ee uu u la galay Ingriis iyo Soomaalidii kaalmaynaysey. Aw Jaamac, wuxuu gacantiisa ku soo ururiyey wixii gabay iyo taariikh af Carabi ku qornaa oo dabkii Isticmaarka iyo dabadhiliftiisii ilaahay ka daahay dhibkoodiina ka badbaadiyey.
Wuxuu kale oo u guntadey qaybtii aan qornayn oo iyadana uu hadhagii daraawiishta iyo dadkii kale oo fahmada badnaa oo ilaahay maskaxdooda ku kaydiyey uu ku gaadhey. Hanashada taariikhdaas iyo gabayadaas Aw Jaamac geeddheer iyo geed gaabanba waa u fuulay sida dahabkana waa u raadiyey, dantiisa gaarka ah iyo reerkiisana waa u dayacay.  
Aw Jaamac kartida, garashada iyo aqoonta ilaahay siiyey oo uu faciisa wax badan kaga horeeyey ka sokow, aragtidayda waxan odhan karaa, wuxuu beeniyey oo keli ku yahay gabay murtiyeedkii Soomaaliyeed ee ahaa:
''Ma magoolo geed keliya oo milic ku yaalaaye Inkastoo mayey qooyo waa mudhux sanaadaaye''
Aw-Jaamac, wuxuu noqday geed keliya oo milic ku yaal oo magoolay, hadana midho laga dhergo bixiyey.
Aw Jaamac mar sidaas u qalafsan ayuu bilaabay halgan ku aadan ururinta gabayadii Sayid Maxamed iyo taariikhdii halgankii daraawiisheed waqti ku aadan 1955. Wuxuu run ahaantii u badheedhay dil, xadhig iyo dhibaatooyin kale oo badan uguna badheedhay dawladii markaa aduunka ugu xoogga roonayd iyo Soomaalidii daba dhilifta u ahayd.
Aw Jaamac marna uma jixin jixin, qaanuun gumaysi, col iyo bahal toonina iskama hortaagin hawshii uu fulinteeda u qalabqaatay.

Aw Jaamac wuxuu takhasus ahaan u qaatay Xadaaradii da’da weyneyd oo waqti fog oo dhawr kun oo sano laga joogo ka hanaqaaday dalka Yaman loona yiqiin Xadaaradii ilaa  “SABA”. Wuxuu kale oo isla markaasi boodhka ka tumayey, dibna u soo nooleeyey, maantana hogaanka u hayey (AHUN)  oo hantisiiyey guud ahaan Taariikhdii Soomaaliyeed oo ku siman ilaa 2000 oo sano iyo Maansadii Soomaalidii hore oo ay hormuud ka yihiin tan Geela, Fardaha iyo Haweenka.

Buugta uu qoray marxuumku Alle ha u naxariistee ee uu dhaxal ahaan maanta ummadda Soomaaliyeed Uga tagay waxaa Ka mida:
(1 Diiwaankii gabaydii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (1895-1921)
(2) Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid M.C Xassan
(3) Maansadii Soomaalidii hore ee: Geela, Fardaha iyo Haweenka.
(4) Hilimada Maansadii Soomaalidii hore oo ka kooban 16 baab
(5) Taariikhdii Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Halgankii Xornimodoonka.
(6) Qaran jabkii  Soomaaliya.
(7) Taariikhda Geeska Afrika, oo af-Carabi ku qoran.
Ugu dambayntii waxaan uga tacsiyeynaynaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay. waxaana leenahay samir iimaam Alle haynaga siiyo  "Ilaahay markuu il daboolo mid kale buu furaa". Allow mid lagu aayo ayaan kaa baryeynaa.

Waxaa Qoraalkaan Soo aruuriyey Bahda Aruurinta  Taariikhdii Daraawiishtii Soomaaliyeed iyo guud ahaan  sooyaalka Soomaaliyeed.