Qormada Kowaad《Kobcintii Boqorka Suugaanta Xiligii Daraawiishta 》

"Suugaantu waa dhaxalfac,
"Salka ku haysa hidoraac,
"Sooyaaliyo leh tixraac,
"Soo jiray dhawr farac...

Waa runoo waa Siday tahaye Halabuur Maanmaal ku qeexaye.
Darwiish Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Dhanka Siyaasada iyo mabd'ii uu watay kasokoow, wuxuu ahaa abwaan Murtimaala oo eebe ku galadaystay tirinta suugaan dhagtii maqasha umuhan doonto naftuna u maqsuudayso cajabta milgo murtiyeedka iyo xikmadaha isku qoofalan ee inooga tagay.


Abwaanimada kaliya kuma koobanayne, Wuxuu Ahaa maanso Daahfure iblaaqay ama ku soo kordhiyey(Lyrical Contribution) qodobo badan oon horay suugaanta soomaaliyeed ugu jirin, hadey ku jireenna aan ahayn kuwa laxaadle oo unkamay ama sidaas usii farac yeeshay.

Diinta islaamka cilmigeeda uu ku ficnaa ama luuqada kale iyo siyaasadaha uyaqaanay baana keentay in sayid maxamed uu Dhumuciyo dhaabad suugaaneedoo laxaad leh uu dheeraado abwaanadii la wakhtiga ahaa iyo kuwii ka horeeyayba.

Xaga Boqorka Suugaanta waa Gabayge, Hababka uu taabo geliyay ina cabdille xasan mid ka mid ah hadaynu soo qaadano, waxaa ka mid ahaa " Gabayga sadexlaha u hoorsama.

Waa jireen abwaano ka horeeyay sayid maxamed oo gabayadooda laga heli karo dhowr meeris oo isku xiga oo sadex uhoorsamaya.

Raage Ugaas:
¤Aleeyl dumay, Albaabadoo la xidhay, Uunkoo wada seexday

¤Unkad yeedhay, Uugaamo roob, Alif banaadiikh ah..........

Meerisyadaa kala duwan een tusaale ahaan uga soo qaaday qaafiyada sadexlaha, waxay ina tusayaan inuu jiray nidaamkan sadexda ku hoorsama, hasaahaatee uusan si awood leh geyiga soomaaliyeed uga taabo-galin, wixii sayid maxamed ka horeeyay.

Sayid Maxamed wuxuu nuxur iyo xiiso horleh uyeelay suugaanta soomaaliyeed.

Suugaanta Soomaaliyeed waxey aheyd nooc is gaadhsiin ah, ama wiil iyo aabihii haku kala fariin qaataan, ama hormuudo labo beelood ha isugu jawaabaan,ama ninba dareenkiisa haku muujisto.

Iyadooy sidaas tahay ayaa xiligii kacdoonkii gobonimo udirirka ee daraawiisheed kalifay, in suugaantii soomaaliyed cirka isku shareerto.

Sababta kalifteyna ay aheyd, In daraawiishi ay noqotay Qaran kusoo biiray bulshada oon qabiil loogu abtirinin, Ku dhawaadna qabiil walba oo soomaaliyeedna ay arini dhex martay daraawiishtii gumaystaha iyo wuxuu cago ku xaadhanayey la diriraysay.

Hadii aan intaa kaga gudbo qaabkii daraawiishtu iyo sayidku kalifeen oo aheyd in suugaantii soomaaliyeed carcar leh gashay iyo loolan cusub.

Dhowr meeris baan soo qaadanayaa oo tayadoodu aad iyo aad usareeyso, kana makhraati kacaya Hodantinimada suugaaneed ee abwaanimada sayidku iney aheyn u mohosho afka laga yidhi ama mid barashiyo maroorsi lagu hooriyo uun, ayse mid lafta iyo dhuuxiisa rabi ku laameeray, oo jidhka waaxyihiisa kala duwan kasoo burqanaysay.

Gabaygani waa sadexle sidaan horayba qormadan ugu soo tibaaxay, Xarfuhuna waa shaqal ( A E I O U)
Sababta aan udoortayna, Shaqalku wuxuu kamid yahay xarfaha luuqda soomaaliyeed ee dajisan kuwa ugu cajiibsan in laga maansaado hab saddexle u hoorsama, Sida xarafka "N" ama "Y" oo kale. Nin abwaanimo iyo ildheernimo meel dhigtay unbaana xarfaha noocaas ah adeegsada, hadii burhaantiisa halabuurnimo sii sareysana, wuuba ku sadexleeyaa ilaa dhamaadka tuduca ugu dambeeya tixda.

¤Ilkaha horor, abeesada qallici, halaq uraa leeb ah

¤Ulbistuug, anaaniga dayaca, alabas jeeraanta

¤Kuma adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye

¤Aafaa samaawiga allow, naga ammaneynso

¤Abid maqan intaha raadiskey, axal ka duugowday

¤Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta

¤Ambaqaadka taa uma ekayn, aniga hay saarin

¤Sumad awdka,sowraca ankira, eedda iyo dhaarta

¤Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta

¤Guudaan amnaca, shiil armaca, luqun inaatowga

¤Amaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga

¤Uhda dhugato roor ababa'leyn or iyo geergaarka

¤Allaqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga......

La Soco qaybta Labaad