Qormo xiisa badan oo uu magazine-ka � Newsweek � hadda soo bandhigay waxa ay daliil weyn u tahay raadka uu dunida kaga tagay halgankii xornima-doonka ahaa ee uu hogaanka u hayey Sayid Maxamed Cabdille Xassan. Rabbi ha u naxariisto.


Magazine-ka caanka ah ee laga aqristo dhamaan daafaha aduunka ee �Newsweek�, laguna daabaco magaalada New York ayaa faalo aad u dheer todobaakan ka qoray Sayid Maxamed Cabdille Xassan, qormadaas oo lagu soo daabacay cadadkiisii soo baxay 12th October 2009. 
Faaladan dheer waxaa soo diyaariyey saxafi aduunka aad looga yaqaan oo lagu magacaabo Jeffrey Bartholet oo ah madaxa xafiiska �Newsweek� ee magaalada Washington. Saxafigani waa wariyihii la socday mujaahidiinta Afghanistan markii ay qabsadeen Kabul 1992, isagoo waqtigaas labisanaa labiska ay caanka ku yihiin dadka reer Afghanistaan. Waxaa kale oo saxafigani si toos ah u soo tabiyey markii xabsiga laga sii daayey Nelson Mandela taariikhdu markay ahayd 2nd February 1990.        Jeffrey Bartholet waxa uu ka soo shaqeeyey 40 wadan.

 
(Bidix) Askari ka socda maamulka Somaliland oo waardiye u ah saxafiga, oo ag-taagan qabrigii Koofil. (Midig) Taaladii Sayidka ee Muqdisho 

Qormadani waa mid hal dhinac u jan-jeedha oo qoraagu ku soo bandhigayo sida dawladaha reer galbeedku u arkaan Sayid Maxamed iyo halgankiisii hubaysnaa. Ninka warkan qoray wuxuu aad uga faalooday halgankii hubaysnaa ee Sayidku kala hor yimid gumaystayaashii reer Yurub iyo Ethiopia. Waxa uu si gooni ah diiradda u saaray meesha lagu magacaabo Dub-Madoobe, oo ah meeshii daraawiishtu ku dishay Richard Corfield oo Soomaalidu u taqaano �Koofil� sanadkii 1913, ninkaas oo ahaa taliyihii ciidamadii gumaysiga Ingiriiska. Saxafigan ayaa sheegaya in uu dhawaan socdaal ku tagay Dul-Madoobe si uu u soo arko qabrigii Koofil. 

(Midig) Koofil oo hub u qeybinaya Soomaalidii Ingiriiska taageersanayd. (Bidix) Taleex oo la duqeeyey 

Ninka faaladan diyaariyey waxaa kale oo uu sheegay in Sayidku saamayn badan ku leeyahay ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda, waxa uuna tusaale u soo qaatay in Soomaalidu ay qalabka warbaahinta ee Muqdisho ka sii daayeen gabayadii Sayidka markii dagaalyahanadii Soomaaliyeed iyo ciidamada Maraykanku ku dagaalameen Muqdisho sanadkii 1993. 

Waa maxay dulucda faaladan uu soo bandhigay wariye Jeffrey Bartholet?

Saxafiga faaladan qoray waxa uu sheegayaa in xidhiidh weyni ka dhaxeeyo halgankii Sayid Maxamed hogaanka u hayey iyo kan maanta u dhexeeya ururka Al-Qaacida iyo reer galbeedka. Qoraagu waxa uu soo daliishanayaa hadalkii Sayidka ee ahaa �Ingiriisow aniga waxaad iigu timaadaa waa dagaal�. Sidoo kale waxaa ninka qormadan soo diyaariyey sheegayaa in Sayidku 100 sano ka hor sii sheegay in Islaamka iyo reer galbeedku marnaba heshiin karin, balse xidhiidhkoodu noqon doono dagaal joogto ah �forever war�, taas oo qoraagu ku micneeyey in dhibaatada maanta dhextaala dunida Muslimka ah iyo reer galbeedka ay tahay saadaashii uu mar hore sii sheegay Sayid Maxamed Cabdille Xassan. 

Qormadan magazine-ka �Newsweek� hadda soo bandhigay waxa ay daliil weyn u tahay raadka uu dunida kaga tagay halgankii xornima-doonka ahaa ee uu hogaanka u hayey Sayid Maxamed Cabdille Xassan. Rabbi ha u naxariisto.


 




Xigasho-Dhanaan.com