XARUNTII DARAAWIISHTA (Daar ilaalo, Silsilad, Falaat, & qudbiyada jooga dheer)

Daar ilaalo, Silsilad, Falaat, & qudbiyada jooga dheer ee in badan qofka arkaa iswaydiinayo injineeradii xiligaasi joogay ee dhisay dhismayaasha yaabka leh kulliyada ama jaamacada ayka soo qalin jabiyeen halka ayku taalo.
Waa goobaha taariikhda ah e lagu xasuusto halgankii iyo difaacii xoriyadoonka dadkii dagaanka ku dhaqan u galeen sidii ay u tuuri lahaayeen reeryada gumeystihii ingiriiska ee dalka ku yimid waqooyiga Somalia. Juqraafi ahaan degmada Taleex ee caasimadii daraawiisheed waxay dhacdaa dooxada ugaal godan galbeedka iyo dhinaca waqooyina waxaa kaabiga kusoo haya dhul cawseed mamaca ee soolal loo yaqaan ee geedka galoolka layidhaahdo caanka ku ah duurka iyo geed cawseedka noocyadiisa kala duwanina ay iyaguna yihiin kuwa sii bilaya muuqaalka yaabka leh ee soolasha
Soolku waa dhul joogiisu aad u sareeyo isla mar ahaantaana caro san ah,haseyeeshee ciidiisa bataaxda ahi aaney biyaha qabsan xilli roobaadka sidoo kalena waxaa soolasha aad ugu yar ceelasha qodaalka ah ee xoolaha iy dadkuba ka cabaan. Soolku waa dhul ku wanaagsan dhaqashada guud ahaanba mawaashiga la dhaqdo noocyadiisa kala duwan,geel ,lo, iyo adhiba
Nugaal waa dooxooyin kaabiga isku haya oo meelaha qaar rabi dhextaal uga dhigey,buuro aanu joogoodu sidaasi usii dheerayn iyo weliba jeexyo biyo mareen ah iyo durduro aan gu, iyo jiilaaltoona biyo beelin, geed hoosaadka iyo cawskaba waa ku qani dooxada nugaaleed.
Nugaal sida magaceedaba ku cad waa dooxooyin aad ugu nugul dhibcda roobka oo hadiiba roob yari qabto durbadiiba baadka iyo geeduhaba ka soo baxaan, sidoo kalena u nugul jiilalada sii daba dheeraada,geedaha sare iyo geed cawsaadka ka baxa dooxada nugaal ayaa raga dhaqashada xoolaha aqoonta durugsan u lihi ku tilmaamaan iney yihiin kuwo uga tayo iyo waxtarba roon xoolaha geedahadhulalka kale ka baxa ciideeda oo macaadin badan ku jirto awgeed.
Sidoo kalena geedka daranta loo yooqaan oo ah geedaha cusbada ama milixda leh ee aan xoolaha looga maarmin in sanadkiiba mar loo daaqgeeyo siiba geela ayaa dhul baaxad weyn ku fadhiya oo taagooyinka nugaaleed ah ka baxa.
Mawaashiga cadka iyo caanaha loo dhaqdo ka sokow nugaali waxay sabo ay si wanaagsan ugu dhaqmaan u tahay gamaanka fardood oo run ahaantii la odhan karo waxay ka mid aheyd sababaha darwiishkii u doortey nugaal iney noqoto halka ay ka bilaabaan halgankoodii hubeysnaa ee isticmaarkii ingiriis lagala hor tegey . Deegaanka nugaaleed ee taleex ku taalowaxa ay sidoo kale si weyn u marti gelisaa hoy iyo hantina ay u tahay ugaadha noocyadeeda kal duwan,inkastoo xiliyo dhexe ay ku sigteen iney ka dabar go,aan deegaanadaasi abaaro is xigey oo sii daba dheeraadey awgeed,waxaadse moodaa sanadahan danbe iney si weyn ugu soo noqoneyso ugaadhii iskaga haajirtey dooxada nugaaleed,deerada ayaa iydoo raxan raxan uwada socota markiiba ishu qabaneysaa goodirka biciidka,iyo cawsha ayaa dhif iyo nadir lagu arkaa gobo tirsan,inkastoo xiliyo dhexe muuqoodaba laga quustey,tiro aan sidaasi u badneyn laakiin isasoo taraya oo goroyada ah ayaa iyaguna ku sugan dooxada nugaaleed.
Taleex ama caasimadii xoogagii daraawiisheed waxaa hoos yimaada tuulooyin door ah oo ku kala yaala dhulka oogada ah ee soolasha iyo dooxooyinka nugaaleedba, waxaana kamid ah sarmaanyo, carooleey, xalin,godaalo, gorofley, kalcad iyo qaar kale oo haatan la asaasey
Dooxooyinkaugu balaadhan guud ahaanba deegaanka nugaaleed intooda badani waxay dhacaan degmada taariikhiga ah ee taleex .
Dhumay,qawlo xalin,intubaa waa doo xooyin aad u balaadhanxiliga barwaaqada ahna tuluda geela ah ee dhex taagan aadan si sahal ah ku arki Karin geedaha kabaxa awgeed.
Dooxada Xalin ka so koow dhanka dhaqmaatinka xoolaha waxaa mara dudur biyi hiisu socdaan abaar iyo aaranba taasi oo ufududaysay bulshada ku dhaqan tuulada xalin inay beertaan dalaga beeraha noocyadiisa kala gadisan.
Xiligii dowladii hore waxaa dooxada xalin laga fuliyay geedka timirta lagubeerayo deegaankaas, waxaana marka aad halcabaara usoo jirto tuulada xalin meeldheer kaaga muuqanayo geedaha dhaadheer ee timirta baaqigii kaga hadhay dhowr boqol oo geed deegaan ka xalin oo deegaanka xalin xiligaasi lagu beeray tiro aan badnayn oo geed timireedka ah ayaa wali baaqi kusii ah tuulada xalin.
Mashruuckale oo geedka qasabka ee sonkarta laga sameeyo ayaa horay uga jiray tuulada xalin iyadoo warshadii loogu talagalay inay qasabkaasi siiso sonkor ka farsamayso ay wali iyadoo sideedii ah dhextaalo tuulada xalin.
Isku soo wada duuboo deegaanka taleex ee aynu waxyar kaga milic sanayno ayaa marka aad qadar kiiloo mitiro ah usoo jirto degmada taleex oo kutaala dhulbanaana oo dhinaca bariga iyo waqooyigaba ay kaxigaan kuro aan sidaasi usii jog dheerayn ayaa waxaa markiiba sheeda kaaga muuqanayo dhisma yaasha buuraha lamoodo ee saldhigyada adage e milatari oo ahaa dhaqdhaqaaqii daraawiisheed ee mudada 20ka sana ah isticmaarkii ingiriis ka ka waaliyay in uu hoos uga soo dego calo iyo guban.
Daar ilaalo oo ah dhismo aad uyaab badan oo dhinaca woqooyiga galbeed kaxiga degmada taleex ayaa ahayd dhismihii halyeeyadii daraawiisheed ka ilbaadin jireen xarakaadka iyo dhaq dhaqaaqa gumaystihiui ingiriiska. Qaababka ay wararka dhiilada colaadeed huwan ay daraawiishi isugu soogudbin jireena waxay ahayd oog dab ah oo laga shido daar ilaalo taasi oo laga arki jiray xarumaha kale ee ay ciidamadii daraawiisheed ku sugnaayeen sidaa sina ay isugu soo gurman jireen.
Falaat ( ninkii fakadee franjiga utagoow falaat faaladeeda sheeg sheeg) falaat oo ah dhismihii madaxtooyadii daraawiisheed maamulkooda ugu sareeya ayku arinsan jireen ayaa ah dhisme joogiisu aad udheer yahay dhagaxa ku dhisanina yahay mid aan qof iyo laba toona qaadi Karin (Dhagaxa malxafsani madfaca maceshee maandhoow midka buuran ii keen) ayaa kamid ahayd hees hawleed yadi markii daraawiish dhisayeen xarumo hooda ay siku mada daalin jireen waxaana dhismaha falaat ay fariisin u ahayd Siayid Mohamed cabdule xasan iyo mas uuliyiintii sar sare ee xoogaga daraawiisheed go’aan kasta oo xanbaarsan guluf colaadeed iyo weerar lagalaa bixiyo isticmaarkii ingiriisna meelkasta hajoogee go’aankeeda wuxuu kuso bixi jiray daarta falaad loo yaqaan
Silsilada waa dhismaha ugu baaxada weyn dhisma yaasha daraawiisheed qiyaas ahaan waxay ku fadhidaa dhismaha silsiladu ilaa iyo dhawr boqol oo kiiloo miter oo isku wareega waxana ay ahayd halka saadka iyo hubkaba ay ku kayd san jireen xoogagii daraawiisheed sidoo kalana waxaa dhismaha silsilada ay hoy u ahayd kumanaan duub cadii daraawiisheed ah oo iyagu diyaar iyo heeganba halkaasi ugu ahaa kolka ilaaladii daraawiisheed ay soo arkaan (Timacad) oo ay askartii gumaysigii ingiriiska ee doolka kuyimi dalkooda hooyo.

Waxaa kale oo marka aad taleex dhex istaagtid indhahaaga soo jiidanaya qudbiyada dhaadheer oo inbadan dadka haatan jooga ay is waydiinayaan injineerada dhisay halka ay ka keeneen xoogagii daraawiisheed mar aan wax ka waydiinay taariikh yahanada ku sugan degmada taleex ay noo sheegeen in rag khuburo ah oo samaynta hubka iyo dhismayaasha u qaabil san xooga daraawiisheed ay ku sugnaayeen xarunta daraawiisheed ee taleex kuwaasoo ubadnaa kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka turkkiga oo markaasi kamid ahaa dhanka sanaacada ama farsamada ugu horeeya caalamka.
Qudbiyadan aanu hadaba soo sheegnay oo sadax ah waxaa kukala aasan sayidka aabihii cabdulle xasan iyo hooyadii carro seed magan iyo waliba faraska mida fardihii hogaamiyihii daraaawiishee ee Sayid Mohamed cabdulle xasan dadka qaar ayaa waxa ay ku sheegaan farskii sii caanka ahaa dhoodi meer halka qaarna ayidhaah daan waa xiin finiinkii uu sayidku seedigii siiyay.
Sikastaba ha ahaatee Taleex ama caasimadii dhaq dhaqaaqii Daraawiisheed waa goob xanbaar san astaamihii sooyaalka ahaa ee kifaaxa xoriyada Soomaaliyeed maanta kunaaloo nayso amase ku jirtaba.


W/Q  Abdulkadir Yusuf Ali 
waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahayn (Freedomfighter)   
Twitter Facebook