AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA. QAYBTII 4aad

QAYBTII 4AAD. 
Jalaafooyinkii cadowgii daraawiisheed ku fekerayey waxaa ka mid ahaa in aan Taariikh iyo Suugaan midna laga dhaxlin Daraawiish iyo halgankeedii sodon ku dhowaadka sano socdey. Si talaabadan loo hirgaliyo waxay bilaabeen in wixii kutub suugaan iyo taariikhi ku qorayd waxna la bililiqaysto waxna la gubo.

Waxa iyana lagu tala galay maatadii ka hadhay Daraawiish in cagaha Ingriiska la hoos keeno ka dibna maskaxda loo maydho. Waxaa la bilaabay in dacaayad aan raad lahayn laga fidiyo daraawiish iyo Sayid Mohamed Cabdulle Xasan, iyadoo laga gelayo dhinaca islaamka iyo dhinaca dhaqanka Soomaaliyeed, loona adeegsanayo wadaado iyo odayaal Soomaaliyeed oo quud u taabac ah Ingriiskana mushahaaro ka qaata. Kuwaas oo diintoodii, sharaftoodii iyo Soomaalinimadiiba siistay quud iyo qado maalin ah. Waxa nimankan loo adeegsanayey in Soomaalidii daacadda ahayd la tuso oo laga dhaadhiciyo, halgankiina loo rogo in ay ahaayeen niman budhcad ah oo jidgooyo iyo dhac iyo dil aan geed loogu soo gabban hawshoodu ku koobnayd, xaaraan iyo xoolo agoomeedna ku naaxay.

Gumaysi iyo cawaankiis waxay gaadheen sida la sheegay, in ay maxaabiistii ay qabteen qaar ka mid ah iyaga oo nool soleen sidii neef adhiya. Ka dibna dadka u sheegi jireen xerooyinkii daraawiishta laga qabsaday baanu ugu nimi dadkan la gubay oo daraawiishi sidaas bay dadkooda ula dhaqmijireen. Ujeedaduna waxay ahayd in dadka loo tuso in daraawiishi ay ahaayeen dad cadow ah isla markaana garab marsan karaamada islaamku siiyey bani'aadamka, dadkii raacayna gubaya..

Waxa iyana la go'aansaday in fiigooda la raadiyo oo la cidhib tiro, iyadoo askar dabadhilif ah la adeegasanyo af buuxana lagu yiri dil iyo dhac iyo xadhig wixii aad dadkaa u geysataan waa idiin xalaal dalacaad baadna ku helaysaa.

Ujeedada ka dambeysey waxan oo dagaal ah waxay ahayd in suugaantii halganka daraawiish la xidhiidhey oo markaa wixii qornaa oo af carabi ku qornaa gaalo iyo cawaankeed qayb qaateen qaybna gubeen, ay cidhibtiraan wixii xasuus ahaa oo ay ugu talo galeen in muddo yar dabayshu ku qaado. Isla markaa taariikhdii guud ee Soomaaliyeed halkaa dhabarka lagaga jebiyo. Intaa ka dibna waxa laylana maaganaa in sida wadama badan oo aduunka ah ka dhacday in layna yiraahdo wax walba anagaa idin barray waxaad ahaanjirteen iyo wax aad ogaydeen midnaba ma jirin markii aannu idiin nimi, oo xitaa adhiga digada sida looga guro anagaa idin barray.

Iydoo halkaa laynagu wado oo gumaysi iyo intii u adeegaysey qorshahoodu ahaa inaan daraawiish taariikh iyo dhaxal midna looga aayin. Ayaa waxa rumowdey odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: "Ilaahay markuu il daboolo mid kale buu furaa".

Ishaa ilaah furay waxa wax ku arkay Aw Jaamac Cumar Ciise oo markaas aad u da'yar. Aw Jaamac tirtirka oo sodomeeyo sano socdey buu sidii cosob ka dilaacay gubato roob helay, ka soo dhexbaxay dambaskii Daraawiishi ka tagtay.
Waxa u muuqatay in talo tan rabbi tahay balse gumaysi iyo gumaysi kalkaal ay ku tashadeen sidii ay u cadhibtiri lahayeen taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee daraawiish, gaalo iyo intii taageeraysey dhex maray. Waxa isla markaa u muuqatay in haddii aan wax laga qaban, sidanna gumaysi muddo yar oo kale wax ku sii wado, waqti aan fogayn la gaadhi doono in Soomaaliyi iswaydiiso halgankii daraawiisheed ma run buu ahaa mise waa riyo? Jawaabtuna u badato waa riyo. Maxaa yeeley halgankaa wax raad ah oo cadeeya jiritaankiisa lama hayo. Waa marka gabay iyo taariikh dadka maskaxdiisa laga tirtiro.

Si shakiga loo weyneeyo waxa si rasmi ah loo qoray oo dadyowga aduunka laga dhaadhiciyey in qalcadihii qaar badan oo maanta jooga oo aan ku jiro aabayaashood ama awoowayaashood wax ka dhiseen markii la dumin kariwaayey, in gumaysi wax ka taba badane la yiraahdo: waxa dhisayFARAACINADII MASAR oo Soomaalida maantu meeshay ugu yimaadeen.
Hadaba Aw Jaamac Cumar Ciise: Waa mare dhegihiisa waxa ka sanqadhayey gabayadii ugu dambeeyey oo tiiraanyada badnaa oo ay tiriyeen raggii darwiish hogaanka u ahaa oo uu ka mid ahaa Ismaaciil Mire oo markii uu arkay raggii uu hogaamin jirey oo guusha u horseedi jirey oo la cidhibtiray, oo geenyadii uu jaraha hayey mooyaane aan cid kale garabkiisa taagnayn yiri:

Dalawyada nugaleed markaan delidhacaynaayey
Darmaan xoodan maantaan badweyn duhurka soo taagey
Kumanyaal direyslihii markay damacday dhiigayga

Aadna moodo in uu inoo sheegayey sida gaalo iyo dabadhilifyadeedii dhiigiisa markii la qabtay u kala hororsadeen, iyagoo isleh magac iyo maamuus ama alfaan ku raadsada.

Iyadoo ay ina soo gaadhey in markii maxkamad ku sheegii gaalada la soo taagey la isku deyey in uu amar ka qaato gaalkii xukumayey oo sidii dabadhilifta iyo hindida yiraahdo "Sir". Markaa isaga oo ka dhega adaygaya kuna xumaynaya in uu amar ka qaatana diidan una sheegaya in gaalada iyo garoomeheeda oo dhan Sayid Maxamed iyo halgankii uu wax ka hogaamiyey kala sharaf badan yihiin, yiri ereyo ay ka mid ahaayeen:

Sayidii afkii aan ku idhi "seer" ku odhanmaayo 
 
Waxa kuwaas la aragti ah gabeygii Sayid Maxamed oo uu tilmaanta fiican kaga bixinayey sidii ay ahaayeen iyo sidii nacab u galay oo dad iyo maalba loo cidhibtiray oo aynu baydadkiisa ugu murugada badnaa qaarkood hoos ku xusayno:
 
Min darfoole aqal daahya weyn, dadab la heedaamay
Dermo iyo furaash lagu gam'iyo, daalam iyo googo
Anigoo waxaan doonayaba, derejadeed haysta

Iyo duni wixii nagaga lumay, dararki ceeldheero
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey
Dumbuq subuca degalkaan ka kacay, dahab wixii yaaley

Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmey
Dedibtii banaanayd wixii, dad iyo maal jiifey
Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela

Maxajabad daboolayd wixii, gaal u dukhuulaayey
Doofaar nijaas ahi wuxuu, daah u roganaayey

Lo' durdura wixii deeble geel, nalaga siidaayey
Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey
Dirrowgii qabsaday reerkayaga, dalankacii gaadhey

Waa marka labaade, wuxu arkayey dhaxalkii yaraa oo ka hadhay daraawiish oo loogu talo galay in la duugo. Wuxuuna go'aansaday in aan taa lagu guulaysan. Nasiib wanaag Aw Jaamac wuxu ku soo beegmay waqti uu dhaxalkaasi weli dabaqabasho lahaa. Waxaana hubaal ah haddii 34kii sano oo daraawiish jabkii iyo guntashada Aw Jaamac u dhexeeyey, ay sodomeeyo kale ku sii darsami lahayd, tirtirkana sidaa lagu wadi lahaa in gumaysi iyo cawaankiis ujeedadoodu fulilahayd, arrintuna ay maanta la meel noqon lahayd sheeko xariirooyinka Arraweelo iyo Dhegdheer iyo kuwa la midka ah.

Aw Jaamac isaga oo garashadii ilaahay siiyey oo dadkii la waqtiga ahaa uu wax badan kaga horeeyey kaashanaya, wuxuu is tusay in saddexdii qaybood oo cidhibtirku u qaybsanaa oo aynu kor ku soo xusnay laba ka mid ah uusan waxba ka qaban karin. Waa tan hore e waqtiguu barbaray waxay ahayd waqti qaybtii gacan ka hadalku ay dhamaatay oo muddo badan laga joogo. Tan labaad, waxay ahayd waqtii dhaxalkii muuqdey wixii mood iyo maal ahaa loo tashaday oo aanu ka dabatag lahayn. Wixii hanti maguurana ahaana intii ay dhib u geysan karayeen ay u geysteen in dhagax ka dhacay lagu celiyaana qawaaninta gumaysigu ay ka dhigtay xaraan maqdaca.

Waxa markaa u muuqatay in uu taariikhda iyo suugaanta keliya dabaqabashadeeda wax ka qaban karo. Wuxuu markaa goostay in uu awoodiisa isugu geeyo, sidii uu taa uga baajin lahaa cidhibtirka. Aw Jaamac markuu halganka bilaabay wuxuu inoo sheegay, isagoo khatarta ku dheehan hawsha uu u qalab qaatay og, in wuxuu arrintaa ka walaacaba uu maalin maalmaha ka mid ah ay isaga iyo naftiisu ku heshiiyeen in uu Taariikhdii Daraawiishta guud ahaan u baadi goobo, wixii maanso ahaana si gaar ah u raadiyo.

Wuxuu kaloo Aw Jaamac inoo qirtay, in markuu arrintii u guntadey muddo sannad ahna ku dhexjirey ay la kulmeen dhibaatooyinkan soo socdaa:
(i) Nimankii daraawiish ka noolaa oo gabayada in ay hayaan lagu malaynayey oo dhamaantood noqday reer miyi ka dheer magaalooyinka.
(ii) Waxaa intaas dheeraa iyagoo noqday niman fiig ah oo si ay kuugu soo gole fadhiistaan adagtahay wax ay kuu sheegaan iska daaye.
(iii) Waxa lagama maarmaan noqotay in uu xeerka saalixiyada barto si ay ugu soo joogsadaan oo jaallenimo uga dareemaan.
(iv) Wuxuu u baahday dhaqaale uu ku meel maro.

Hadaba, afrtan dhibaato oo Aw Jaamac la soo gudboonaadey markuu hawshii u qalab qaatay, labada dambe sida muuqata waxay jid ama wado loo raaco u ahaayeen labada hore. Labadaas arrimood oo isaga ku xidhnaa, jidkana xaadhmo iyo qodax kagur u ahaa Aw Jaamac xalkoodii waa asiibay. Waa mare, tii dhaqaalaha si uu u xaliyo wuxuu go'aansaday in uu shan geel ah oo uu isagu lahaa iibiyo. Lacagtaas wuxu ugu talo galay qayb ka mid ah in uu ku jid maro, qaybta kalena iayn waa baadidoone, baadifed u bixiyo.
Wuxuu go'aansaday inuu xeerkii Saalixiyada u barto, si ay ugu fududayso in ay aaminaan ama ugu soo joogsdaan firdhadkii Daraawiish ka hadhay. Wuxuu ku biiray koox wadaado ah oo Saalixiya ah. Aw Jaamac dadaalkiisii weyna waa ka midhadhaliyey, xeerkaas saalixeyeed barashadiisina ilaahay waa ku kaalmeeyey wuuna ku guuleystey.
 
 Aw Jaamac waxaad arkaysaa inuu u badheedhay dawladii aduunka markaasi ugu xooga weynayd in uu siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya ka hor yimaado. Isla markaa wixii ay xoog ku adeeganaysey gaashanka u daruuro, wixii dhib ka yimaadana u dhabar adaygo.

Aw Jaamac si uu hawshii uu keligiis u guntadey u fuliyo wuxu iska indho iyo dhego tirey dhibaato kasta oo wadadaas uu u qalab qaatay uu kala kulmi karo, Haaday tahay deldelaad, jidgooyo cidla si qarsoodi ah loogu dilo, xabsi daa'im, masaafuris, dhac qoyskiisana saameeya iyo dacaayad looga awood roonyahay oo sumcadda iyo sharafta lagaga dilo. Aw Jamaac wuxuu si geesinimo leh ugu badheedhay xoogagii faraha badnaa oo isticmaarka sida hagar la'aanta ah ugu adeegijirey, waqtigaana il gaar ahna ku eegayey cid kasta oo ka hadasha wanaagii ay dhexalkii ay ka tageen daraawiishi.

Hadaba, Soomaalidu waxay tiraahdaa daacadi ma hungowdee, Aw Jaamac hawshii uu intaas oo dhib ah oo dhanka ingriiska kaga iman kartey ugu badheedhay ilaahay waa ku guuleeyey. Aw Jaamac wuxuu kacaa kufaba, shan sano ka dib (1959)kii buu gacanta ku dhigay taariikhdii daraawiishta inteedii badnayd. Wuxuuna si fiican u hantiyey gabaygii iyo goobihii dagaalka ba'ani ka dhacay, kuwaas oo uu gacanta ku dhigay iyaga oo af Carabi ku qoran.
 Aw Jaamac sida uu inoo sheegay wuxuu saadalinayey in goor ay noqotaba Af- Soomaali qoridiisu soo bixidoonto, samir buuna u yeeshay in uu sugo. Muddo 10 sano ka badan buu midhihii uu ku soo tabcay kayd ahaan u hayey. 1971dii marka la aasaasay guddiga af Soomaaliga, ayay Aw Jaamac u muuqatay in midhihii uu tabcayey Soomaali u bislaadeen. Intaas ka dib, wuxuu u hawl galay sidii loo habayn lahaa Soomaali weyna loo gaadhsiin lahaa ilaahayna waa ku guuleeyey.
Waxa markaa laynoo soo bandhigay diiwaanka gabayada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka kooban 120 gabay oo Sayid Maxamed leeyahay iyo 16 gabay oo abwaano kale leeyihiin, gabaydiisana la xidhiidha. Diiwaanka waxa ku dabajirey, qoraalo iyo kutub kale oo aynu ka magacaabi karno Taariikhdii Daraawiishta.


Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain.

Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota

Faafin: taariikhdiidaraawiishtisoomaaliyeed.blogspot.com
Xigasho- SomaliTalk.com