Qalalaasihii Gurdumi iyo '' GONDAGOOYE''

Qalalaasihii Gurdumi hadday dhaceen kaddib ayaa Daraawiishtii raqdii ka guurtay oo waxay degtay meel yidhaahdo '' Dhiita'' oo labo geeddi guur u jirta Gurdumi. kana xigta dhanka waqooyi. rag talo kama dhamaatee hadii dib laysugusoo noqday oo xaajadii la hileeyey waxa nimankii shirqoolkii abaabulay ku tashadeen in


Daraawiish ergo loo diro. si wixi dhacay looga wada hadlo. loogana heshiiyo. dabadeedna 32 nin oo caqli iyo codkarnimaba rag laga xullay ayaa loo diray. hase yeeshee taladaas guuli kama dhalan oo markay dariiqadii tageen ayaa labo labo laysugu xidhay oo lugaha biro lagag jebiyey. dabadeedna Sayidkii farduu diray oo waxaa la faray inay raggoodii u sheegaan. wuxuuna yidhi; ''waxaad ku tiraahdaan ragga furta oo waxaa ku furataan labo bundukh oo Daraawish galabtii gurdumi lagala cararay'' Iyo ninkiiba 100 halaad hase ahaatee iyagaba Sayidka geel ka doonayey muddana waa u qabtay. muddadiina laguma iman haddana muddo kalaa loo qabtay taana waxba waa la keeni waayey. dabadeedna muddo seddexaad buu u qabtay markii waxba laga waayay waxa nimankii lagu xukumay in la laayo. taana waxaa loo yaqaanaa '' Gondagooye'' waxaa la wariyey subaxda la layn doono habeenkeeda Sayidku wuxuu ku taamayey '' cashaduu Aw Cabaas ila ballamay caaway soy maaha'' Ragii la laayey waxaa ka mid ahaa Cabdi Maxamed Waal' oo Sayidka walaashiis qabay waxaa la wariyey Tooxyar waxay ku dadaashay inaan ninkeeda la dilin hase yeeshee qob iyo qadin midna kuma helin markii la dilayna waa oydey dabadeedna waxaa lagu yidhi; naa yaan lagu diline aamus waxayna marisay buraanbur waxay tidh; 
Bilaawahakaan daabka la hayaa hadduu i dilo 
dadkiina idlaaye aakhira hadaan u dego 
Cabdi haddii la igu daro derejadee ka roon!

Xigasho- buuga taariikhda daraawiishta Aw- jaamac Cumar Ciise

W/Q.  Abdulkadir Yusuf Ali 
waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahayn (Freedomfighter)   
Twitter Facebook