Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey kumanyaal askar ah iyo saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen, waxaana ka mid ahaa Gaashaanle Phillips, Dhame J. N. Arms, Dhame C. N. S. Cord iyo kuwa fara badan oo kale. Markii uu Berbera yimid Swayne wuxuu bixiyey xogwarankan:
Waxaan aad ula amakaagay sidda ay naftooda u biimaynayaan Daraawiishtu. Marnaba u malayn maynin ilaa aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa gaadhsiisan tahay. Daraawiishtu waxay u badan yihiin niman xaasaskoodii, ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo tagay si ay u noqdaan naftood hurayaal. Waxay sitaan cimaamado iyo go'yaal bayl ah, waxayna qabaan amar ah inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima kasta ha ugu kacdee, iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaanba inay janada galayaan. Sidaa darteed, goobtii dagaalkii raggii Daraawiishta uga dhintay waxay u badnaayeen xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay dhufayskii aanu ku jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama Ilaah baa weyn.
Hadalkaasi waa xog warankii Swayne. Duulimaadkii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6, 1902 dii. Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin.
W/Q. Abdulkadir Yusuf Ali
waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahayn (Freedomfighter)