King's African Rifles iyo jabkaay kala kulmeen Daraawiishtii Soomaaliyeed' oo ku noqotay waxaysan filanayn

Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna ogaadeen xoogga Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin. Ciidamadii Ingiriiska ooy kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay King's African Rifles waxaa kusoo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka qaadeen Daraawiishta
oo aan cadowga u turin. Si haddaba loo qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii saddexaad waxaa Soomaaliya yimid Oktober 23, 1903 dii General W. H. Manning, dawlada Ingiriiskuna waxay heshiis la yeelatay Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in Talyaanigu geesta Bari kasoo weeraro Sayidka. Sidaa darteed laba markab oo ah kuwa dagaalka ooy Ingiriiska iyo Talyaanigu kala leeyihiin ayaa xeebaha dalka ku wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan meel ay asgartooda kasoo dajiyaan Sayidkana ka gaadaan.


September 16, 1903 dii waxa uu golaha wasiirada ee dowlada Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo ciidamo uu lee yahay magaalada Hobyo, sidaa daraadeed Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay inuu wado duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo xoogleh kasoo rogay Hobyo iyo Berbera si uu dhinac walba uga hareereeyo Sayidka. 1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo Ingiriisku wuxuu u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah goobtaa waxaa ka raacday guuldaro culus.

W/Q.  Abdulkadir Yusuf Ali 
waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahayn (Freedomfighter)