maxay tahay taariikhda Ustaad Sayid Maxamed Abdulle Xassan'?

Taariikhda Sayid maxamed Cabdulle Xasan waa taariikhda kacaankii ama halgankii Daraawiishta ee qaatay muddo 21 sano ee ay kaga soo horjeedday qabsaashada isticmaarka ee dalka Soomaaliyeed. maanta waxaa marag ma doonta ah in dagaalladii Darawiishtu ay ahaayeen kuwo
gumeysi ka hor tag iyo gobannimo doon ahaa oo ku dherersan jiintintii halkanka ummadda Soomaliyeed ay u soo martay madaxbannaanidadeeda kunkii sano oo aynu soo dhaafnay.

Sayid maxamed Caddulle xasan wuxuu ahaa geesi aan gabbasho aqoon.
xeeldheere diimeed oo dood adag iyo gabayaa fiiro iyo fahmaba ku ebyanyiin.
sifaalahaan wadajirkoodu waxay siiyeen Sayidka shaqsiyad layaab leh oo tayo sare leh.
shaqsiyadda qudheedu waa tan u suura galisay inuu Sayidku kor u hayo calankii jihaadka muddo sidaa u dheer.




W/Q.  Abdulkadir Yusuf Ali 
waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahayn (Freedomfighter)   

Twitter Facebook