Goob-wayntii ''Beerdhiga''

Beerdhiga waa goobtii sedexaad ee goobaha waawayn ka mid ahayd waxay ka dhacday meel la yiraahdo ''Xudayo'' oo Gaalkacayo waaqooyi ka xidgta una jirta hilaadii 70ML.
dagaalkii ''Fardhidin'' ee aan hore ugasoo sheekaynay kadib Darawiishi waxay u guurtay howdka dhinaciisa koonfureed iyo mudug xagiisa sare.
dantay ugu guureena waxay ahayd tigaadii oo dhanka u badatay iyo igagoo ku tala jiray inay dagaal isu diyaariyaan.
isagoo ciil hore qabay' canaan kullulina ku dhacday aya Suweer cawar duulaan lixaadleh oo dhor madax u kala soda nugaal kasoo ambabixiyey oo Daraawiish ka daba duulay.
xiliga markaa la joogana wuxu aha kalil gu' oo samada iyo kulaylka ka baxaya haadka dulaa bakhtiyo.

haye yeeshee ciilkii iyo cadhdii wadadka iyo darawiish loo qabay daradeed' aya ciidanka Ingiriiska la koran waayey inta xilligiu is badalayo.
cadowgu isagoo isku kalsoon' ilaaladaii garwadaha u ahaydna ay horsocoto ayuu kaliishii bartamehedii howd soo dhanbalay oo tuoga eeragoo xaga sere kaga soo dhacay' isagoo raabe raabe isu daba jooga ama u kala socda wuxuu saldhigiisi ka ootay meel la yiraahdo SALAX EERAGOO''oo ceelka (Roox) waqooyi galbeed kaga aadan.
Daraawiishi iyagoo dagaal u darban' colkaana talaabobao ula socda ayeey ciidakoodi afar madax ka dhigeen oo xaruntii iyo xoolihiiba halkii ciolka laga filayey uga dibad baxeen.

LASOCO SIDII DAGAALKU U DHACAY IYO IIDAMADII KA QAYB QAATAY Q.2aad