Maxaad Kala Socotaa Halgankii Dheeraa Ee Daraawiisheed Q.1aad

Ugu Horayn Waxaa Mahadoo Dhan Iska Leh Eebe Mahada Eebe Kabacdi Waxaa Isna Xusid Inaga MudanNNKH Kaas Oo Ina Soo Gaadhsiiyay Diintan Islaamka Ah Ee Aynu Maanta Kusuganahay.
Intaas Kadib Waxaan Halkan Idinka Soo Gudbino Halgankii Dheeraa Ee Ay Soo Galeeen Dadwaynihii Iyagu Markaas Lamagac Baxay Daraawiish Kuwaas Oo Uu Hormuud Uahaa Sayid Mohamed Abdule HassanHadaba Halkan Waxan Kusoo Qaadanaynaa Taariikh Kooban Oo Kusaabsan Halgankii Daraawiisheed.

Hadaba Su,aalaha Iswaydiinta Mudani Waxay Yihiin Sayid Mohamed Abdule Hassan Waqtigee Ayuu Dhashay? Halkee Ayuu Kudhashay? Hoyadiis Magaceed? Heerkee Ayuu Soo Maray Halgankii Daraawiisheed? Iwm Hadaba Anigoo Su,aalahaas Kajawaabaya Ayaa Waxay Udhacday Sidatan.
Sayid Mohamed Abdule Hassan Waxa Uu Kudhashay Markey Sanadii 1855 Waxaana Uu Dhashay Guga Lamagac Baxay (Gubaysane) Oo Ahaa Gu Barwaaqo Ah Oo Dadka Iyo Duunyaduba Hanaqaadeen Wuxuuna Kudhashay Sayidku Baliga Loo Yaqaan (Sacmadeeqo )Oo Qiyaaskii (7)Mayl Ujira Magaalada Buuhoodle Sidoo Kalena Dhanka Waqooyi Kaxiga Isla Magaalada Buuhoodle Hooyadiisa Waxaa La,odhan Jiray (Caramagan Seed)Sidoo Kale Saydiku Waxa Uu Quraanka Kubartay Meesha Uu Markaas Kudhashay Isagoona Cilmiga Kale Karaacday Xer Iyagu Markaas Fadhiyi Jiratya Nugaal Xarunteeda Ugu Wayna Ay Ahayd Dooxada Casuura IyoYaaheel.
Sanadkii 1892 Ayaa Waxa Uu Raacay Sayidki 13wadaad Oo Ay Iksu Xer Ahaayeen Kuwaas Oo Labo Gu Dheeraad Ay Kumaqnaayeen Magaalooyinka Maka Iyo Madiina,Sanadkii 1895 Ayaa Waxa Uu Sayidku Kusoo Laabtay Gayiga Soomalaiya Isagoona Kasoo Degay Xeebta Berbera Oo Waqtigaas Ay Kusugnaayeen Muslin Iyo Gaalaba.
Sida Taariikhda Lagu Sheegay Ayaa Ahayd Waqtigii Uu Saydiku Kasoo Dageyay Xeebta Barbara Ayaa Ingiriiku Sayidku Ku Amray Inuu Bixiyo Cashuur Kabacdi Ayaa saydiku Ugu Jawaabay Adiga Yaa Cashuurtii Kaa Qaaday Markad Halkan Kasoo Dagaysay Sidaa Darteen Ninkii Afceliyaha Ahaa Ayaa Gaalkii Kuyidhi Waa Wadaad Waalane Inaga Siidaa Sidaas Ayayna Gaaladu Maalinkaas Wixii Kadanbeeyay Ugu Bixiyeen Wadaadkii Waalnaa Luuqada Englishkana Looga Yaqaan(Mad Mullah).
Hadaba Halkan Waxan Idinka Soo Gudbinaynaa Bilawgii Dagaaladii Daraawiisheed Iyo Midawgii Ingiriiska Iyo Waqtiyadii Ay Dhaceen.
  1. Afbakayle     03 – 05 – 1901 
  2. Fadhiddin      16 – 07 – 1901 
  3. Beerdhiga       10 – 08 – 1902 
  4. Cagaarweyne 17 – 04 – 1903 
  5. Daratoole         18 – 04 – 1903 
  6. Jidbaale            10 – 01 – 1904 
  7. Ruuga                 09 – 10 – 1913 
  8. Dayuuraddii  01 – 1919
Hadaba Waxan Halkan Idinka Soo Gudbinaynaa Sayidka Iyo Asxaabtiisii Iyagu Halganka Iyo Dagaalka Dheer Kula Jiray Midawgii Ingiriiska Waqti Ay Dadka Intooda Badan Ay Sayidka Ku Eedeenayeen In Uu Saydiku Uu Yahay Nin Dhiigyacab Ah Isla Markaana Shisheeye Iyo Xigaalba Uusan Cidna U Aaabo Yeelayn Iyadoona Dad Badan Oo Umada Hada Joogtaa Ay Fikradaas Gaabani Wali Kadhaadhacsan Tahay Ayaa Waxan Halkan Idinku Soo Gudbinaynaa Qaar Kamida Gabayadii Iyo Maansooyinki Uu Tiriyay Saydiku Xili Isaga Iyo Asxaabtiisu Ay Halganka Ugu Jireen Ladagaalanka Dadyawga Gaalada.
  • Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
  • Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
  • Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
  • Go’na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
  • Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne
  • Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
  • Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
  • Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
  • Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!
  • Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
  • Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
  • Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
  • Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
  • Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene
  • Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
  • Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
  • Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
  • Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e
Sanadi 1905 Ayaa Waxa Uu Sayid Mohamed Abdule Hassan Saxiixay Heshiis Uu Ku Ogaalanayo In Xoogii Daraawisiheed Ay Katalinayaan Dhulka Nugaal Sidoo Kalena Ay Balan Qaadayaan Inaysan Fara Galin Dhulkii Uu Katalinayey Ingiriisku Lee Cassaneli Waa Qoraa Caana Waxa Uu Sheegay In Dadka Waayo Araga Ahi Ay Kukala Tagsanaayeen Qiimaynta Shirkaasi Qaar Baa Waxay Qabaan In Sayidku Uu Ugaly Shirkaas Si Uu Uabuuro Ciidan Dhisan Wuxuuna Sheegay In Sayidku Xiriir Qarsoodiya Layeeshay Biyomaalka Hub Fara Badana Siiyay.
Aragtidan Sida Ah Marka La,eego Waxay Dhab Noqonaysaa Sidii Uu Sayidku Ula Dhaqmay Saldanadii Cali Yuusuf Keenadiid Oo Ahayd Mid Colaadeed.
Sanadii 1905 Bishii Febarwary Waxa Uu Ingiriisku Helay Warar Dhuhlayna Kaas Oo Uu Usoo Gudbiyay Signor Olivo In Daraawiishtu Dagtay Garacad Saydika Laf Ahaantiisuna Uu Halkaas Isna Dagay
Xoogaga Daraawiisheed Waxay Uarkayeen Garacad Dagal Xeebeed Leh Marso Abuurriin Ah Oo u Sahli Karta Helitaanka Hubka Iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga..Signor Olivo Wuxuu Qoray In Cavaliere Pestalozza Uu Aaday Hobyo Si Uu Suldaan Cali Yuusuf Ula Tashado. Waxaa Kaloo Jiray Dhambaallo Sheegaya Dhibabkii Reer Mahad Garacad Kala Kulmeen Ka Dib Markii Xoolahoodii Ay Daraawiish Dhacday.
Sanado Iyo Mudooyin Badan Awgeed Waxay Xoogagii Daraawisheed Awoodeen Inay Jiritaan Buuxa Oo Qoto Dheer Kuyeehaan Mudug.
Guulihii Badnaa Ee 1905 Kadib Waxa Ay Daraawiishtu Kadhisatay Garacad Iyo Jariiban Qalcado Waxaana Sidoo Kale Kamid Ahaa Qorshayaashii Adkaa Ee Daraawiisheed Inay Saldhigyo Kuyeelato Xeebaha Mudug Si Ay Uhantaan Dhulalka Gudaha Ah Ee Kucaan Baxay Maashiyada Iyo Waliba Dhanka Ganacsigaba.Waxaa Kaloo Iyana Jiray In Reerihii Daganaa Mudug Ay Muujiyeen Madax Adayg Iyo Waliba Uhogaamis La,aan Suldaan Cali Yuusuf.
Laga Bilaabo Sanadkii 1902 Waxay Daraawiishtu Weeraro Kuhaysay Fariisinada Cali Yuusuf Ee Mudug Si Ay Uciqaabto Qalooyinkii Iyagu Kasoo Horjeestay Jihaadka,Bishii Sep 1902 Waxaa Ay Xoogagii Daraawiisheed Ay Weerareen Qalcadii Cali Yuusuf Ee Mudug Iyagoona Gacanta Kusoo Dhigay Qalcadasi Hadaba Wararkii Uu Ingiriisku Helay Ayaa Sidan Ahaa.
<……………………Dhamaan Qaybtii 1aad…………………..

Xigasho- Real Taleex