Waqtigii gobonnimada Qarnigii toban iyo sagaalaad (Every Somali must read)

1875kii waxay ahayd markii ugu horaysay ee gumaystayaashii IngriiskaFaransiiska, iyoTalyaaniga marka ay soo cago dhigeen gayiga Soomaaliyeed. Ingriiska oo maamulayey Cadan (Yamen), wuxuu go'aansaday in uu lug ku yeesho dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed(Berbera).
Ingriisku wuxuu ku fakerayey in si uu u ilaashado maraakiibtiisa ka imanaysa India, ee maraysa badda cas ay lagama maarmaan tahay in uu hanto Berbera. Fransiisku wuxuu isna ku fekaray in halka ugu dhaw ee uu Ingriiska ka carqaladaynkaro uu yahay isaga ooDjibouti deegaan ku yeesha. Ingriiska markaas wuxuu ka waday Bariga Africa dhisitaan khad tareen oo isku xidha wadamada Bariga Africa. Talyaaniguna wuxuu markaas lawareegay gacan kuhanynta Koonfurta Soomaaliya oo aan markaas ahayn dhul leh ahmiyad lamid ah kan dhinaca waqooyi ee Soomaaliya. Maadaama Ingriisku aanuu aad u danaynayn Koonfurta Soomaaliya. Talyaaniga waxay u noqotay tani fursad uu ku doodo in uu kamid yahay wadamada reer Europe ee wax gumaysta. 1900. boqorkii Ethiopia Menelik wuxuu qabsaday dhulka Soomaali-galbeed.
1899kii Sayid Maxamed Cabdule Xasan wuxuu dagaal kala horyimid Gumaysigii Ingriiska. Wuxuu Sayidku dagaalka waday mudda 21 sano ah.Ugudanbayn Ingriisku waxay duqayn xagga hawada ah ku baabi'iyen xarumihii Sayidka. Tani waxay keentay in uu hakad galo halgankii umadda Soomaalidu ay kula jirtay Gumaystihii dalka ku sugnaa.1941-1949kii Ingriisku wuxuu maamulayey gabi ahaanba Soomaaliya, maadaama ay xulafadiisii ku guulaysatay dagaalkii labaad (WWII). 1948kii xulafaddii dagaalkii labaad (WWII) ku guulaysatay waxay ugu deeqeen Itoobiya in ay hanato dhulka Soomaaligalbeed . 1949kii Qaramada Midoobay waxay 10ka sano ee soosocota Soomaaliya hoos gaysay Xukuumadda Talyaaniga.SYL tan aad ayay uga soo horjeesatay xiligaas, waxayna muujisay sida dadka Soomaaliyeed diyaarka ugu yihiin in ay xoriyad helaan. 26 jun, 1960 Soomaalida Waqooyigu waxay ka xoroobeen Ingriiska. Isla sanadkaas 1st July, 1960kii Soomaalida Koonfurtu waxay ka heleen madaxbanaani Talyaaniga, Isla markaas neh dalka wuxuu ku midoobay jamhuuriyad.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya wuxuu noqday Aadan Cabdulle Cusmaanra'iisul wasaarihiisa neh wuxuu noqday Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo asiga neh noqonaayo madaxweyne 1967–1969).1961 soomaaliya waxaa laga hirgaliyay dastuurkii ugu horeeyay ee dalka, waxeyna sameyntiisa soo bilaabatay 1960ki.1964]]kii Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa dhexmaray dagaal gaaban. Isla wakhtigaas Itoobiya iyo Kiinya waxay wada saxiixdeen heshiis dhinaca milateriga ah oo Soomaaliya ka dhan ah. Xiligan Soomaaliya waxay u leexatay in ay kaalmo milatari ah waydiisato Soviet Union. Maraykankuna wuxuu isla xiligan kaalmo dhaqaale iyo mid milateriba siiyey Itoopiya.1967 Waxaa madaxweyne noqday Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ra'iisul wasaarihiisa ne wuxuu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal allaha u naxariistee.
         LA SOCO QAYBTA 2AAD.


W/Q.  Abdulkadir Yusuf Ali 
waa qoraa- Hal abuure-Cilmi baadhe- iyo aragtiyahayn (Freedomfighter)